Shirkada Samsung oo ku qasaartay mid kamid ah Telfoonada Casriga ah ee soo saartay

0
158

Shirkadda telfoonada ee Samsung ayaa sheegtay in lasoo daristay qasaaro xoogan oo ka dhalatay ciladii xooganeed ee ku timid Telfoonka Note 7 oo macaamiishii iibsatay ay dib u celiyeen.

Waxa ay shirkada sheegtay in ay khasaartay lacag dhan 4 bilyan oo dollar , waxaana khasaarahan ay timid kadib markii cilad ay ku timid telfoonkaasi ayna dib isaga celiyeen macaamiishii horey u iibsatay.
In ka badan labbo milyan iyo shan boqol oo qof ayaa db loogu celiyay lacagihii ay ku iibsadeen telfoonka Note 7 ee ku timid cilada .

Shirkada Samsung ayaa maalmo kahor shaacisay in ay joojisay iibinta telefoonada Samsung Note 7, kadib markii ay cilad ku timid batariga telfoonka oo keenay in ay qarxaan Telfoonada Note 7.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here