Shirkada Isgaadhiista Ee Nationlik Oo Si Weyn Uga Qayb Qaadatay Ololaha Nadaafada Qaranka+Sawirro

0
281

Hargeisa(SDN)Shirkada Isgaadhiista Casriga ah Ee Nationlik Telcom ayaa Maanta si weyn uga qayb-qaadatay Ololihii Nadaafada ee maanta laga qabtay dhamaan Gobolada Dalka Somaliland,

Na 3Na 1
Shaqaalaha Shirkada Isgaadhiista Casriga ah Ee Nationlik Telcom oo ay hor kacayaan Masuuliyiinta Sare ee Shirkadaasi ayaa saaka Olole-nadaafadeed aad u baaxad-weyn ka fuliyey jidka weyn ee wadnaha ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa halkaasi oo ay si weyn uga dhex muuqdeen shaqaale weynaha shirkadaasi Nationlink oo ku qalabaysan Agabka lagu nadiifiyo xashiishka iyagoo isla markaasina ku labistaan dirayska u khaaska ah shaqaalaha shirkada.

 Na 7eenadii xashiishka ka uruurinaayey agagaarka Cusbitaalka weyn ee Caasimada ,Golaha Baarlamaanka Hortiisa ,Madaxtooyada iyo Wasaarada Maaliyada hareereheeda halkaasi oo markii la waayey Gaadiid qashinkii la uruuriyey la saaro ay kaalin m,ugle ka qaadatay Shirkada Nationlink oo ay goobta soo gaadheen shaqaale weyneheeda oo wata Gaadiidka waaweyn ee Shirkadu.

Na 5

Shaqaalahan ka socday Shirkada Isgaadhiista Casriga ah Ee Nationlik Telcom oo ay Hogaaminaayeen Agaaasimaha Waaxda Hawlgalinta Mr.Cali C/laahi Wacays,Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Shirkada Mr.Sayid Abokor Sayid C/laahi Xaaji Cilmi,Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Shirkada Mr.C/salaan Maxamed Muuse.

Na 3

Mid kamida Masuuliyiinta Sare ee Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa si weyn uga Mahadnaqay Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkadan sida baaxada leh e ay uga qayb-qaateen Ololaha nadaafadeed gaar ahaana sida ay uga fuliyeen Deyrka Wasaaradaasi oo ay Shaqaalaha iyo Gaadiidka shirkadu yimaadeen iyada oo ay u cadilnayd goobtaasi gaadiid iyo Shaqaale firfircoon oo ka hawl-gala iyadoo ay isla markaasi si hufan uga qayb-qaateen nadiifinteedii.

Na 6Na 4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here