Shirkada HASS PETROLEUM Oo Shahaado Sharaf Lagu Gudoon Siiyey Siday Uga Qayb Qaadatay Carwadii Ganacsiga

0
78

Hargeysa(SDN)Shirkada HASS PETROLEUM oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka ganacsiga Shidaalka iyo gaaska wax lagu karsado oo mudadii ay socotay carwada ganacsiga 8-aad oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa si weyn uga muuqatay ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado sharaf ay ku mutaysatay sidii ay uga qayb qaadatay.

 

Madaxa suuq gaynta shirkada HASS PETROLEUM Mahad Cabdi Cali oo u gudoomay shahaado sharaftaasi ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta SURADNEWS sheegay in ka shirkad ahaan ay si weyn ugu adeegayaan macamiishooda waxaanu sheegay in ay ku faraxsan yihiin sidii ay uga soo qayb qaateen carwada ganacsiga 8-aad ee ka qabsoontay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxaanu xusay in ay macaamiishooda mar kasta diyaar u yihiin sidii ay ugu adeegi alahayeen.

 

Carwadani oo socotay mudo todobaad ah ayaa maanta si rasmi ah loogu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa, waxaana xaflada xidhitaanka oo logu qabtay gudaha hoolka ay carwadu ka socotay ka soo qayb galay badi masuuliyiinta shirkadaha kala duwan ee ka qayb qaaadnayey carwada iyo madax kala duwan oo ka socotay xukuumada, bulsho weynta reer Somaliland oo halkaasi ka adeeganayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here