Shirkada Facebook oo sameeyay Messenger lite App oo loogu tala galay Wadamo gaar ah

0
287

Facebook ayaa shaaca ka qaaday in ay sameesay Messenger cusub oo loogu tala galay in laga isticmaalo Qaar kamid ah Wadamada Caalamka gaar ahaan kuwa saboolka ee laga adeegsado Telfoonadii hore oo Intenetoodu xawaaraha sare laheyn.

Shirkada Facebook ayaa sheegtay in Messenger lite-ka cusub uu leeyahay waxyaabaha muhiimka ah uu leeyahay Massenger app sida in la isku diro qoraal iyo Sawiro, waxaana adeegsan kara dadka heesta Telfoonadii hore ee smartphone iyo kuwa qadkoodu culus yahay.

Barnaamijkan cusub ay sameesay Shirkada Facebook ayaa la tartami kara WhatsApp oo leedahay shirkada Facebook ayna isticmaalaan dadka ka badan bilyan qof oo caalamka kunool sida ay sheegtay Shirkada Facebook.

Facebook ayaa Messenger Lite app ka dhigtay wax ka yar 10MB, si ay ugu shaqayso taleefoonada smartphone-ka ee aan awooda badan lahayn, waxaana Messenger Lite app isticmalakiisa ka bilaaban doonaa Wadamada Tunisia, Malaysia, Kenya Sri Lanka iyo Venezuela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here