Shirkada Dahabshiil Group Oo Si Weyn Uga Qayb Qaadatay Carwada Ganacsiga 8-Aad Ee Somaliland

0
229

Hargeysa(SDN)Shirkada Dahabshiil Group oo maanta adeegyo kala duwan ku soo bandhigtay Carwada ganacsiga 8-aad oo maanta si rasmi ah uga bilaab matay magaalada hargeysa taasi oo lagu qabanayey Hotel Guuleed, waxaana xafladaasi furay madaxwaynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno badan oo ka kala socday shirkadaha kala duwan ee ka soo qayb galay carwadaasi.

Shirkada Dahabshiil Group qaybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin qaybta Xawaaladaha ee Dahabshiil, qaybta adeega isgaadhsiinta ee Somtel, qaybta Adeega bangiga iyo maalgalinta ee Dahabshiil International Bank, qaybta adeega macadarka oo dhamaan qaybahaasiba ay soo ban dhigeen waxa ay bulshada u qabtaan iyo adeegyada ay bixiyaan iyo adeegyada ay soo kordhiyeen.

Sacad Muuse Cabdi madaxa suuq gaynta iyo xayeysiisyada oo ku hadlayey afka Dahabshiil ayaa sheegay in ka shirkada ahaan ay soo kordhiyeen adeega Dahabpay Portal oo macaamiisha ka caawin doona sidii ay hab casri ah oo Online ah u isticmaali lahayeen Akoownadooda uga furan Dahabshiil kuwaasi oo wax badan ka tari doona habka isticmaalka ee Akoownadaasi.

Geestiisa waxa isna halkaasi ka hadlay Guuleed Faarax Ibraahin oo sheegay in ka Dahabshiil Group ahaan ay si weyn uga qayb qaadanayaan carwada ganacsiga 8-aad gaar ahaan ka Dahabshiil International Bank ahaana ay bulshada u samaynayaan adeegyada uu bank bixiyo, waxaanu sheegay in ay si weyn uga qayb qaadanayaan carwadani.

Mid ka mid ah masuuliyiinta shirkada Somtel dhanka suuq gaynta oo goobtaasi ka hadashay ayaa sheegtay in carwadani awgeed ay macaamiisha Somtel ay u sameeyeen qiima dhimis 25% (Shan iyo labaatan boqolkiiba) inta ay carwada gancasigu socoto waxa kale oo ay sheegtay in ay sameeyeen adeegyo kale oo dheeri ah oo dhanka ku hadalka iyo isticmaalka aalada Internet ka ah adiga oo adeegsanaya Somtel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here