Shirkada Daabacaada Casriga Ah Ee Sagaljet Oo Shahaado Sharaf Lagu Gudoonsiiyey Carwada Ganacsiga 8-Aad

0
172

Ha

Hargeysa(SDN)Shirkada daabacaada casriga ah ee Sagaljet oo lagu doonsiiyey shahaado sharaf ay ku mutaysatay sida balaadhan ee ay uga qayb qaadatay carwada ganacasiga 8-aad oo lagu qabtay magaalada Hargeysa oo maanta si rasmi ah u soo gebogabowday, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska, madaxda rugta ganacsiga, masuuliyiinta shirkadaha ka soo qayb galay carwadaasi iyo bulsho weyn aad u tiro badan oo ka adeeganayey carwada 8-aad.

Munaasibad loo qabtay xidhitaanka carwada ganacsiga 8-aad oo ka qabsoontay gudaha Hoolka ay carwadu ka socotay ayaa abaalmarino kala duwan lagu gudoonsiiyey qaar ka mid ah shirkadihii ka soo qayb galay ee sida weyn uga qayb qaatay kuwaasi oo ay ka mid ahayd shirkada Daabacaada casriga ah ee Sagaljet.

Ismaciil Yuusuf Aadan(Shirwac) oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada Sagaljet oo abaal marintaasi u gudoomay ayaa shabakada Suradnews u sheegay in ay si weyn uga qayb qaateen carwadii ganacsiga ee 8-aad oo uu sheegay in ay laf-dhabar u ahayeen in sida muuqa leh ee farshaxan nimada leh ee ay ugu daabaceen dhamaan shirkadihii kala duwanaa ee ka soo qayb galay, waxaanu xusay in mar kasta ay astaan u yihiin sidii ay bulshada ugu adeegi lahayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here