Shirka Sanad Laha Ah Ee Saxaafada Somaliland Oo Maanta Hargeysa Ka Dhacay

0
99

Hargeysa(SDN)Ururka suxufiiyinta Somaliland SOLJA oo maanta si weyn u xusay, xuska maalinta saxaafada Somaliland iyo Abaalmarinta sanad laha ah ee Cawke oo sadexdii sanno ee u danbaysay si joogto ah u qabatay ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Munaasibadan oo ahayd mid balaadhan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Cabdiraxmaan Faarax Guribarwaaqo, wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada Dr Cabdiwali Cabdilaahi, Xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Cabdi Xuseen, xildhibaano, suxufiyiin, iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha fulinta ee ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA Yaxaye Maxamed Cabdi oo ku dheeraaday ahmiyada weyn ee ay siinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa saxaafada Somaliland iyo dhiiri galinta warbaahinta kala duwan ee dalka oo uu sheegay in u jeedada Abaal marinta Cawke ay tahay sidii ay suxufiyiintu ay ugu tartami lahayd mihnadooda suxufi nimo waxaanu tilmaamay in sanad kani uu kor u kacay tartanka loogu jiro Abaal marintaas.

Geestiisa waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto) oo halkaasi ka sheegay guulaha kala duwan ee mudooyinkii u danbeeyey ay ku talaabsatay Saxaafada Somaliland iyo waliba ururka SOLJA waxaanu tilmaamay in ay geed gaaban iyo mid dheerba u korayaan sidii ay u sii xoojin lahayeen dadaalada waaweyn ee ay ugu jiraan kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta suxufiyiinta reer Somaliland.

Xoghayaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Cabdi Xuseen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay ka qayb galka shirka sanad laha ah ee saxaafada Somaliland iyo abaal marinta Cawke waxaanu xusay in horumar badan ay samaysay warbaahinta dalku, dhanka kalena ay wali wax badan dhiman yihiin waxaanu tilmaamay in xukuumadu aysan noqon mid diida dhaliisheeda.

Xildhibaan Axmed Ducaale ayaa sheegay in maanta ay guul tahay dhamaan horumarada kala duwan ee ay saxaafadu ku dhaqaaqaday waxaanu halkaa uga jeediyey dhamaan suxufiyiintii ka soo qayb galay dar-daaran iyo in ay kor u qaadaan mihnadooda suxufi nimo.

Gebo gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirada wasaaradaha warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Cabdiraxmaan Faarax Guribarwaaqo iyo wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada Dr Cabdiwali Cabdilaahi oo si isku mid ah u soo dhaweeyey shirka sanad laha ah ee saxaafada somalilnad waxaanay halkaa ka sheegeen in ka xukuumad ahaan ay si weyn u garab joogaan dhamaan saxafiiyinta Somaliland.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ayaa si rasmi ah madashaasi u furay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here