Shirka Golaha Amniga Qaranka Somaliya Oo Baydhabo Ka Furmaya,Xilli Khilaaf Xooggan Taagan Yahay

0
521

Shirka Maamul Gobolleedyada ayaa magaalada Baydhabo ka furmaya Xilli Khilaaf xooggan uu ka dhex jiro Dowladd Gobolleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka ah,waxaana Baydhabo ku qul qulaya Wafuud heer Federaal iyo mid Dowlad Gobolleed iyo Beesha caalamka.

Shirka dawlad gobaleedyada iyo dawladda Faderaalka waxaa xooga lagu saarayaa dhanka Ammaanka, si gaar ahna waxaa ugu weyn heshiisyadii horey loo gaaray oo ilaa hadda aysan waxba ka fulin dalwadda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Ma wanaagsana xariirka u dhaxeeya dawladda Faderaalka Soomaaliya & Dawlad gobaleedyada, waxaana maalmihii iyo bilihii u dambeeyye meel hoose gaaray xariirka dhinacyada, iyadoo ay qaarkoodba si cad uga soo horjeesteen damaca dawladda Faderaalka.

 

Dadka Siyaasadda Odorasa ayaa sheegaya in Qodobada shirka ka soo baxa aan la isku raaci doonin fulintooda,maadama xiriir wanaagsan aan ka dhaxeyn Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboledyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay isku gaashaan buureysanayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen Dowladda Federaalka oo ay ku kala aragti duwan yihiin Arrimo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here