Shir Lagaga Hadlayo Arimaha Deegaanka Afrika Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

0
198

Hargeysa(SDN) Magaalada Hargeysa, waxaa si rasmi ah maanta uga furmay shir ku saabsan ilaalinta deegaanka oo ay ka soo qayb galeen wufuud ka kala socota wadammada Bariga Afrika qaarkood iyo khubaro caalami ah.

 

Waxa kulanka soo qabanqaabiyay ururka  Maxalliga ah ee Barwaaqo Voluntary Organization [BVO], oo kaashanaya ururka isku xidhka degaanka ee geeska Africa(Horn of Africa Regional Environmental Network,)waana shirkii u horeeyay ee noociisa ah oo Somaliland lagu qabto. Shirkan ayaa waxa uu socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doonaa waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara deegaanka

 

Kulankan waxaa ka qayb qaadanaya xubno ka kala yimid wadamada jaarka iyo dunida kale, kuwaasi oo gaadhaya 120, waxaana ka mid ah dad ku xeel dheer aqoonta degaanka oo uu ka mid yahay Dr Rajendra K Pachauri oo u dhashay dalka Hindiya, kuna qaatay jaa’isadda Nopel-ka dedaallada uu degaanka galiyay.

 

waxyaabaha ugu weyn ee shirka lagaga hadli doono ayaa ah siyaabaha lagaga hortegi karo waxyaabaha deegaanka wax u dhima sida geedaha oo la gooyo, duur-joogta oo la qabto ama la dilo ama la dhoofiyaba, biyo la’aanta, iyo waxyaabaha sababa abaarta.

DSC05080

Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadashay Gudoomiyaha ururka BVO Marwo Khadra Cumar, waxaanay soo dhawayn iyo mahadcelin u jeedisay wufuuda meelaha kala duwan ka timid ee shirkaasi ka qayb qaadanaya. Waxay sheegtay inay rajaynayso in waxyaabo degaanka xal u noqda oo muhiim ahi ka soo bixi doonaan gabogabada kulankan.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna furitaanka shirka ka hadlay waxa uu sheegay in shirkani muhiim u yahay mandaqada geeska Africa “shirkani waxa uu muhiimadd-weyn u leeyahay Geeska Africa oo dhan gaar ahaan Somaliland oo boqolkiiba sideetan (80%) ah dad xoolo dhaqato ah,” ayuu yidhi wasiirku.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa isna sheegay in kulankani wax weyn ka tari doono dhawrista degaanka Somaliland. Waxa uu sheegay in xukumaddu dedaallo ka gaysato ilaalinta degaanka,  kuwaasi oo ay ka mid tahay mamnuucidda Bacaha oo degaanka u darraa.

DSC04885DSC05008DSC04997DSC05060DSC04975DSC04999DSC05025

DSC05131

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here