Shiinaha Oo Soo Bandhigay Diyaaradii Dagaal Ee Abid Ugu Casrisanayd

0
106

Dowlada Shiinaha ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay diyaarad dagaal oo casri ah, taasoo aanu qaban karin radaarka.

Laba dayuuradood oo ka mid ah nooca casriga ah ee Chendu J-20, ayaa dul haaday mas’uuliyiin iyo shacab ku daawanayay magaalada Juhai.

Diyaaradahan dagaalka ayaa loo arkaa calaamad muujineysa hamiga xukuumada Beijing ee ay ku casriyeyneyso quwadeeda milateri.

Diyaaradaha dagaalka ee J-20 ayaa waxaa sameeyay warshadda Chengdu, ee qeybta ka ah shirkadda diyaaradaha samaysa ee Shiinaha.

Waxaa Shiinuha lagu wadaa inuu noqdo suuqa ugu weyn caalamka ee dayuuradaha sanadaha soo socda, iyadoo dhoola-tuskana uu Beijing fursad u siinayo inay ku soo bandhigto hamigeeda duulimaadyada rayidka iyo sidoo kale kuwa milateri.

Sidoo kale waxaa si weyn loo filayaa daah furidda dayaaradaha badda ku dega ee AG 600, kuwaasoo ah nooca ugu weyn caalamka, lana filayo in si weyn loogu adeegsado howlgalada baadi goobka iyo samata bixinta dadka.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here