Sheikh Saleebaan: Maskaxdii Ka Dambeysay Masanawgii Shacbiga Iyo Mooradi Cakirantay Ee Madashii Ciida, Berbera

0
150

”Waranka Qasriga Ku Ganayo Wadaadka Haamaha, Faaladda Dadka Siyaasadda Ka Dooda, Fooridii Fawda Wadayaasha, + Xogo Wargeyska Sahan Helay.

Berbera(SDN) Maareeyaha haamaha Shidaalka ee Berbera Sheikh Saleebaan Saciid Cali ayaa la sheegay in uu isagu ka dambeeyay fooridii xubnihii Wasiir xigeenadda ee salaadii Ciidda Lagaga qayliyay madashii shacbiga Berbera ku oogayeen tukashada Salaadda CIIDA.

Ilo looga qaateen ah oo wargeyska SAHAN Soo xiganyo ayaa tibaaxaya in Sheikh Saleebaan uu isagu soo abaabulay in qayb kamid ah bulshadu qaylo kala hortimaaddo wasiiradda, marka laga yimaada xogaha aanu helnay hadana waxa marag madoon ahayd in dhawaaqi bulshada ee madasha ciida uu buunbuuniyay maareeyuhu,

”gunuunuc cod gaaban ku baxaya ayay ahayd qaylada dadku ee walal markii maareeyuhu migrifoonka qabsaday ayuu yidhi yaan wasiirada lagu qaylin, anigu ma ogi meel uu wax ku abaabulay laakin waxa meesha ka dhacay dadku xoog uma qaylin uun oo wan taagnaa” ayuu yidhi mid kamid ah Bulshada rayidka ah Ee magaalada berbera oo la hadlayay wargeyska SAHAN

Muqaalkii ay soo baahiyeen wariyaasha ka hawl gala gobolka Saaxil siiba Berbera waxa uu cadeynayay dhacdadan iyo sida sheikh saleebaan ubunbuuniyay waxana indhahagu qabanayeen Camerada oo loo jeedinayo shacbiga oo in koobani faraha taagtaagayso balse intooda badani Dhegaha uraaricinayso Khudbada wasiir Xigeenka Xanaanada Xoolaha, walow aan la dersi karin in uu jiray dhawaaq ay reer berberi wasiirka afkiisa ka sugayeen si uu yidhaah-do oo ay ugadoodan iyo inkale hase yeeshe, Mareeyaha haamaha Sheikh Saleebaan ayaa Isagu migrifoonka qabsaday waxana uu ka bilaabay khudbadiisa in shacbiga ku canaanto inay joojiyaan qaylada iyo sawaxanka kana waaniyay fowdoda iyo rabshadaha,

Geesta kale xamxamta suuqa iyo hadal haynta bulshada waxa siweyn uhadal hayaan in arinta wareejinta haamaha kayd-ka shidaalka ee Berbera uu siweyn uga soo horjeedo maareeye Sheikh-saleebaan, Balse isagu mar uu saxaafada la hadlay dhankiisa wararkaasi wuu beeniyay.

Dadka siyaasada Ka Faalloodanaa waxay tilmaamayaan in madaxtooyaduba dhankeeda ka warhayso dhaqdhaqaaqa wadaadka haamaha haya, lana qorsheeyay in xilka laga qaado ka hor inta aan la wareejinba.

 

Sources:- SAHAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here