Sheekha Haamaha Shidaalka Berbera Oo 79,000 Dollar Jeebka Ku Shubtay Iyo Qasnada Dawlada Oo Haawanaysa

0
199

Hargeysa(SDN)Maareeyaha Kaydka haamaha shidaalka berbera sheekh saleebaan siciid cali oo todobaadkii u danbeeyey jeebka u shubtay in ka badan 79,000 oo Doolar(Dollar) kaasi oo kala baxay si xatooyo ah qasnada dawlada Somaliland.

 

 

Mala awaalka wareejinta haamaha shidaalka berbera oo la filayo in todobaadada soo socoda ay xukuumada Somaliland ku wareejiso qaybo ka mid ah ganacsatada ku heshiisay boobka hantida qaranka ee xukuumadani dabada ka riixayso iyo golaha wakiilada Somaliland oo fasax sided todobaad ah galay taasi oo loo balan san yahay in kal-fadhiga danbe la keeno mooshinka haamaha shidaalka berbera balse ay xukuumadu taasi ay baal marayso oo ka hor- kalfadhigaasi la wareejinayo.

 

 

Xogaha soo baxaya ayaa ah in ay xukuumadu ku quudinayso ganacsato yar-yare oo ay dabada ka wada taa badalkeeduna uu noqon doono in ay shirkadaha waa weyn ee ku jira hawshani ay ka baxaan heshiiska la filayo in uu dhaco todobaadkani soo socoda.

 

 

Sheekha haamaha shidaalka xukuma ayaa todobaadkani gudihiisa jeebka ku shubtay 79,000 Dollar oo ah hantida qaranka kaasi oo mudooyinkii u danbeeyey ee ay soo if baxday wareejinta haamaha shidaalka berbera uu si xatooyo ah jeebka ugu shubanayey lacago aan salka ku ahayn sababo sax ah oo ay uga baxaan qasnada dawlada Somaliland.

 

 

Sheekha haamaha shidaalka berbera oo shabakada wararka ee suradnews.com la xidhiidhay ay si cad- uga war wareegay arintaasi in uu dhankiisa ka jawaabo balse ilo u dhadhaw sheekha haamaha shidaalka berbera sheeekh saleebaan siciid cali ayaa waxay sheegayaan in uu qorshihiisu yahay sidii uu uga mid noqon lahaa ganacsatada magaalo xeebeeda berbera.

 

 

Hargeysa Somaliland
cumar c/risaaq cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here