Sheekh Ka Can Ah Somaliland Oo Ciidamada RRU Xalay Xabsiga U Taxabeen

0
197

Hargeisa(SDN)Ciidamada sida gaarka u tababaran looguna tala galay la dagaalanka Argagixisada ee RRU-da ayaa habeenkii xalay ahaa xabsiga u taxaabtay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sune) oo ka mid ah culimada somaliland.

 

 

Ciidamada oo goor danbe oo xalay ah qabashada sheekha fulisay ayaanay suura galin In laga helo xogo dheeraad ah oo la xidhiidha xadhigiisa, balse sheekh Aadan Sune ayaa mudooyinkii u danbeeyey jeediyey khudbado la xidhiidha dhinaca u khidmaynta diinta ilaahay.

 

 

Sheekh Aadan Sune waxa kale oo uu khudbadihiisii ugu danbeeyey ee uu jeediyey kaga hadlay dhaqano aan wanaagsan oo dad reer galbeed ahi ka wadaan gudaha magaalada Hargeysa, isaga oo dhinaca kala tilmaamay inay dadkaasi bulshada ku dhex fidinayaan diinta kiristaanka.

 

 

Sheekh Aadan Sune ayaa inta badan khudbadaha uu jeediyo maalinta jimcaha waxa uu kaga hadlaa sidii loogu gargaari lahaa diinta ilaahay, isaga oo si gaara markasta uga hadla dadka dhibaatada ku wada diinta bulshadana xumaanta ku dhex fidinaya, waxa uu si gaar ah u soo qaataa hay’addaha aan wax badan ee qaban ee dadkana ku dhex fidiya diinta Kiristaanka, waxaana Sheekh Aadan Sune u suura gashay inuu soo bandhigo dhaqano lidi ku ah diinta oo ay waday hay’add la odhan jiray NNM taas oo keentay inay xukuumadu go,aan ku gaadho in laga saaro dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here