Sergio Ramos Oo Diiday Qandaraaskii Cusbaa Ee Ay U Soo Bandhigtay Real Madrid Iyo Sababta Oo La Ogaaday.

0
249

Sergio Ramos ayaa diiday qandaraaskii furitaanka ahaa ee ay u soo bandhigtay Real Madrid iyadoo ay weli socdaan wadahadalo qandaraaska loogu cusbooneysiinayo sida ay sheegtay TV-ga Isbaanishka ee Cuatro.

Daafacan oo qandaraaskiisa haatan uu ku egyahay ilaa iyo xagaaga 2017 ayaa la kulmay madaxweynaha kooxda Florentino Perez si uu u dhageysto qandaraaska loo hayo, laakiin waxa uu kulankaas ka baxay isagoo niyadjabsan ka dib markii uu ogaaday in mushaharkiisa uu ka yar yahay, kaliya ma ahan Cristiano Ronaldo balse Bale, Benzema iyo Casillas. Ramos ayaana iska diiday qandaraaskaas.

Ramos ayaa in ka badan hal jeer sheegay inuu doonayo inuu ciyaaraha kaga fariisto Madrid, waxaana kooxda ay dooneysaa inay qandaraaska u kordhiso. Si kastaba, inkastoo uu jiro maxabo labada dhinac ah hadana farqi weyn ayaa u dhaxeeya waxa uu ciyaaryahanka rabo iyo waxa ay kooxda diyaarka la tahay.

Ramos ayaa aaminsan inuu kooxda muhim weyn u yahay, inuu qeyb libaax leh ka qaatay guushii Champions League ee La Decima, waxaana uu doonayaa in xaqiiqooyinkaas lagu saleeyo mushaharkiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa mushaharka ugu badan ka qaata kooxda waana 17 milyan euros oo ay u sii dheer tahay lacago abaalmarino ah, waxaa ku xiga Bale (11 milyan), Benzema ( 8 milyan) iyo Casillas (lix milyan). Ramos ayaana helay qandaraas ka yar dhamaan afartaas ciyaaryahan, mana uu doonayo inuu aqbalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here