Sawiro laga Qaaday Yoweri Museveni oo si weyn loo hadal hayo

0
82

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni , ayaa sawiro laga soo qaaday waxa ay noqdeen kuwa si weyn looga hadal hayo dalka Uganda iyo meelo badan oo caalamka katirsan.

Yoweri Museveni , ayaa la sawiray isaga oo wado kutaala meel ka baxsan magaalada kursi dhigtay kadibna telfoon ku hadlaya, waxa uuna gacanta u taagayay gaadiidka iyo dadka kale ee wadadaasi marayay .

Madaxweynaha waxaa goobta uu fadhiyay usoo daawasho tagay isuguna soo baxay dad badan oo ku dhaqnaa xaafado ku dhaw wadada uu fadhiistay, waxa uuna dadkaasi isugu soo baxay Madaxweynaha uu kula kaftamay goobtaasi.

Dadka Reer Uganda ayaa si weyn ugu hadal haya dhacdadan baraha bulshada kuwada xariirto, waxa ayna barahaasi soo dhigayeen sawirro ay iska qaadeen oo ay ku matalayaan qaabkii uu u fadhiyay iyo koofida uu xirto Museveni.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaan looga baran arimaha nuucaan oo kala ah sida in uu jidka fariiso kuna hadlo telfoon, waxa ayna dhacdadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Uganda.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here