Sawir gacmeed cajiib ah oo laga sameeyay Damaca siyaasadeed ee Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid

0
195

Farshaxaniistaha caanka ah ee Amiinarts ayaa waxa uu maanta soo bandhigay Sawir gacmeed ka turjumaayo qaabka Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu ku doonaayo inuu kaga guuleysto Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia.

Muuqaalka sawirka ayaa ka turjumaayo dhibaatada Ra’isul wasaare Cumar uu ku qabo Baarlamaanka, isagoona muujinaayo dadaalka uu kaga guuleysan lahaa Xildhibaanada kasoo horjeeda Xukuumadiisa.

Cumar Cabdirashiid Cali ayaa ah Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay oo xukuumadiisu ay dhibaato adag kala kulanto Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Sawir gacmeedka ayaa ka turjumaayo isku xirnaansho la’aanta garabka uu Ra’isul wasaare Cumar ee ka tirsan Baarlamaanka dalka, waxa uuna wataa Ul isku xirxiran ”kakaban” oo ka turjumeyso kala furfurnaanshaha Cumar Cabdirashiid iyo garabkiisa.

 

 

 

 

 

 

 

 

Email:- Info@suradnews.com
Ayman.egal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here