Saraakiil katirsan booliiska Mareykanka oo Toogasho lagu dilay

0
112

Labo Sargaal oo katirsan booliiska dalka Mareykanka ayaa toogasho lagu dilay mid kalana waa la dhaawacay , kadib markii nin hubeesan uu rasaas ooda uga qaaday Saraakiishan xili ay tageen guri looga yeeray.

Guri kuyaaala magaalada Palm Springs ee gobolka California ayaa looga wacay booliiska kadib markii telfoon loo diray, waxaana halkaasi booliiska markii ay gaareen durba kala kulmeen rasaas xoogan oo lagu soo ridayo.
Ciidamada booliiska ayaa la sheegay in ay ku guuleesteen im gacanta lagu so dhigay ninka gacan ku dhiiglaha ah ee dilay saraakiisan katirsaa booliiska, waxaana booliiska wadaan baaritaan ay ninkaasi ku sameenayaan.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska magaalada Palm Springs ayaa salaan sharaf u saaray meydadka askartan oo la geeyay saldhiga booliiska, waxaana laga dareemayaa magaalada toogashadan ka dhacday murugo loo muujinayo askarta la toogtay.

Dalka Mareykanka waxaa kusoo badanaya toogashada loo geesto askarta booliiska, waxaana dilalkana mararka qaarkood salka ku hayaan naceyb ay dadka u qabaan ciidanka booliiska dadka qaarkood si xun ula dhaqma.








LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here