Sannad Dugsiyeedka Dugsiyada Salaama Oo Maanta Si Weyn Loogu Qabtay Magalaada Hargeysa

0
274

Hargeysa(SDN)munaasibad lagu shaacinayey furitaanka sanad dugsiyeedka cusub ee Salaama isla markaana abaal marino lagu gudoonsiinayey ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanaadka  ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibada lagu shaacinayey furitaanka sanad dugsiyeedka cusub  ee dugsiyada salaama  ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, maamulka,macalimiinta, waalidiinta iyo ardayda wax ka barata dugsiyada salaama.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay maamulaha guud ee dugsiyada Salaama Jaamac Biixi Muuse kaas oo ka war bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen dugsiyada salaama, waxaanu dardaaran kala duwan u jeediyey ardayda sanadkan ka qalin jabisay dugsiga hoose dhexe iyo sare, isaga oo kula dardaarmay inay halkaas ka sii wadaan  hayaankooda waxbarasho.

Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadan ka hadlay  ayaa dardaarano kala duwan u soo jeediyey ardayda, waxaanu kula taliyey inay halkaas ka sii wadaan waxbarashadooda.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin(Dheeg) oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, waxaanu ku dheeraaday faa,iidada waxbarashada leedahay iyo horu marka lagu gaadhi karo.

 

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay macalimiin, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey furitaanka  sanad dugsiyeedka cusub ee dugsiyada Salaama iyo ardaydan sanadkan ka qalin jabisay dugsiyadaasi.

Dugsiyada Salaama oo ah dugsiyo si weyn uga muuqda kaalinta wax-barasho ee somaliland ku waasi oo soo saara arday tayo aqooneed leh oo aad u badan, waxaanu ka mid yahay bahda harmuudka u ah wax-barashada somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here