Sanad Guradii 22-Aad Ee Kasoo Wareegtay Asaaskii Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Si Baladhan Loogu Xusay Magalada Burco

0
155
Burco(SDN)Sanad Guradii 22-Aad Ee ka soo Wareegtay Markii la Aasasay isla markaasna Dhidibada Loo Taagay Ciidanka Qaranka Somaliland 1994 ayaa waxa maanta Magalada Burco Si Baladhan Looga Xusay Xuskaasi.
Xuska Ciidanka Oo ka Dhacay Xerada Gaasta ayaa waxa Goob Joog ka ahaa Taliyasha Ciidanka Qaranka Gobalka Togdheer,Badhisabka,Duqa Degmada Burco iyo Masuliyiin Kale Duwan.
Ugu Horraynba Waxa ka Hadlay Ujeedka Xuskani iyo Waliba Muuhimada Uu u Leeyahay Bulshada Reer Somaliland Abaandulaha Qaybta Laba iyo Tobnaad Ee Ciidanka Milateriga Gobalka Togdheer Kayd Cismaan Muxumed Waxaana ka Mid ahaa hadalidisii Sida Tan.
“ Maanta waxaanu Xusaynaa Sanad Guradii 22-Aad Ee Aasaska Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Dhidibada Loo Taagay 1994,Waxaynu Ogsoonahay in Marxalado Kale Duwan ay soo Mareen Ciidanka Qaranka Somaliland,Maanta Ciidanka Qaranki Waxay Marayaan Marxalad ilahay Loogu Mahad Naqo Waxaynu Ogsonahay in Ciidanku ay Maanta Leyihiin Darajoyinkii Ciidan-Nimo,Waxaanay Tani Tusaale u Tahay Sida ay Xukumada iyo Shacbiga Reer Somaliland u Barbar Taagan Yihiin Ciidanka Qaranka,Waxaanan Ciidankana ku Boorinayaa inay halkaasi ka sii wadaan Dedaalkoda” Ayuu Yidhi Abaan-Dule Kayd Cisman.
Abaan-Dulaha Aaga bari Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Abokor Maxamed oo isaguna Dhankiisa ka Hadlay Xuskani ayaa waxa ka mid ahaa hadalidisii Sida Tan.
“ Ciidanka qaranka Somaliland Maraxil Kale Duwan ayay Soo Mareen Wakhti Adag Oo soo Maray ayay ka soo Gudbeen,Waxaan Xasuustaa Maalintii Aan Furayay Dugsiga Mandheera Waxaan ku Furay Ciidan Dharcad ah Oo Aan Kabo Lahayn Oo Sita Dhar Caadiya,Maantana ilahay Mahadii Ciidamadu Waxay Sitaan Darajoyinkii iyo Haybadii Ciidan-Nimo” Ayuu Yidhi Abaan-Dule Maxamed Abokor.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Togdheer Mr Guutale,Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobalka Togdheer oo iyaguna Dhankooda ka hadlay xuskani ayaa shegay inay maalintani tahay mid ku wayn bulshada reer Somaliland oo dhan.
Gaba gabadii waxa munasibadasi ka hadlay Badhisabka Togdheer Maxamed Ibraahim Aden iyo Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad waxaanay Ciidanka Qaranka Somaliland ku Hambalyeyeen Dabaal-Dega Sanad Guradii 22 Aad ka soo wareegtay Markii la Aasasay Ciidanka Qaranka Somaliland 1994.
Ugu Danbayntii Sanad Guurada 22 Aad Ee ka soo wareegtay Markii la Aasasay Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa sidoo kale Waxa Maanta Gobalada Dalka Oo Dhan Sidan Oo Kale Looga Xusayaa Xuska Maalintani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here