Saleebaan Gaal Masuul Marin Habaabiyay Shaqadii Golaha Uu Gudoomiyo Ee Guurtidda

0
281

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa daboolka ka qaaday inaanay Golaha Guurtidu wax faro-gelin ah ku samaynayn xiisadda tabasho ee Gobolka Awdal iyo qadiyada Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo uu sheegay inuu firdhoobay, kana Irdhoobay dalkiisa.
Saleeban Maxamuud Aadan oo shalay Warbaahinta kula hadlay, Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale difaacay howl-gudashada Golaha uu madaxda ka yahay ee Guurtida oo inta badan lagu dhaliilo inay shaqadii loo igmaday ka gaabiyeen, isagoo taasi ku tilmaamay dacaayad aan xaqiiqada ku salaysnayn.
“Suldaan Firdhoobay oo irdhoobay Annagu ka Gole Guurti ahaan waxaanu Nidhaahno garan mayno Aydana kaga kabo tagi mayno.”ayuu yidhi Saleeban Maxamuud Aadan.
Waxaanu intaas ku daray “Reer Awdal iyaga ayaa ku filan in ay soo qabtaan suldaan Dalkuna cidna uma baahna,Nin suldaan sheegtayna Hadalkiisaba Daah ilaahay haynoo soo hadeeyo”ayaa uu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa kale oo uu sheegay, isagoo difaacaya Golihiisa “Anigu waxaan is leeyahay Adigaa kala Hadlayee,Marna waxaad leedahay Golaha Guurtidu Xilkiisa wuu Gutaa marna Kaalintiisa wuu gabay Laba is qabta maaha”ayuu yidhi.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu ka hadlay jiritaanka Qorshe muddo kordhin loogu samaynayo Xukuumadda oo Golihiisu gogol-xaadh u wado.
Waxa uu sheegay inaanay haba-yaraatee jirin hindise xilligiisii ka soo hormaray oo xukuumadda loogu samayno wakhti dherer.
“Muddo Kordhin Maanta wakhtigeedii ma hayno,Maalinta Doorashadu Kaabiga inagu hayso ayuunbaa laga wada hadli,Bil ka hore ayay soo qaad qaadisteed iyo Kordhinteedu Leedahay, laakiin Inta ka horaysay waxaanu qabnaa way dhacaysaa Doorashadu”ayuu yidhi.
Hadalkan Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dalka ka taaganyihiin walaacyo isbiirsaday oo salka ku haya labadan qodob ee uu ka hadlay, kuwaasoo inta badan bulshada Uur-ku-taallo ku ah saameynta ay nabad-gelyada iyo amniga dalka ku yeellan karaan., taasoo wax ka qabashadeeda iyo xalinteeda ay qayb ka ahayd ujeedadii loo aasaasay Golaha Guurida ee uu madaxda ka yahay.
Waxaase sida hadalkiisa ka muuqata Guddoomiye Saleeban Maxamuud Aadan, uu haatan Golihiisu ka leexday dariiqaas nabadeynta iyo isku haynta Qaranka Somaliland, taasoo lagu dhaliilayey tan iyo markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay, iyadoo mudadaasi dhibaatooyinka dalka ka dhacay ee ay dayaceen laga xusi karo Colaaddii ka dhacday Deegaanka Kalshaale, tan Suldaan Wabar ee gobolka Awdal hada ka aloosan iyo dhacdooyin kale oo Qaranka Laf-jab ku keenay.
Yool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here