Safarkii Siigaale & Siilaanyo.

0
301

Madaxwaynaha Ahmed Mohamamed Mohamoud Siilaamyo, ayaa waxaa uu safar loo bixiyay Siigaale ama Dhagxaanle ugu kicitimay Gobolada iyo Dagmooyinka Somaliland. Safarka madaxwaynaha oo ujeedadiiasu tahay ololan siyaasadeed iyo isku day kasbasho uu doonayo in uu kasbado caqliga iyo maskaxda dadwaynaha reer Somaliland.Balse su’aashu waa goormuu madaxwayne siilaanyo u baahday codka shacabka Somaliland oo  mudo 5 sano ku dhaw ay  naafaysay maamul xumadiisu, oo taabatay dhinacwalba ee nolosha bulshada reer Somaliland, waa haday noqoto xag cadaaladeed, nabadgalyo, dhaqaale, caafimaad, waxbarasho iyo qadiyadii guud ee Somaliland oo uu kugorgortamayo.

Socdaalka safarka siigaale oo kabilawday badhtamihii bishan aynu ku jiro, galbeedka jamhuuriyada Somaliland. Mr siilaanyo iyo Wasiiradiisa ku can baxay boobida hantida qaranka iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka Somalilandarka ah ayaa iyagoo khasiraya kharash aad ubadan, oo isdaba galiyay gaadiid farababan waxay siigadoodii in dhaha ka tuurtay dad la darxumaysan dacdaro dhinac walba taabanaysa,  lana dulmay oo la naafoobay dayac dhinacwalba taabanaya.

 

Safarkii siigaale waxaa uu si qarboqarbo ah u tagay caasimada Gobalka Awdal oo iyada si gooni ah uu Maamulkiisu udulmiyay, reer Awdalna la tiiraanyaysanyihiin, dayacii iyo walwalkii ay xukuumadani abuurtay kadib markii Suldaan yara Carooday oo ka soo jeeda Gobalka Awdal uu Buuraha galay isagoo qaadacay qadiyada reer Somaliland, Sikastaba ha’ahaatee xalinta arrintan maamulka Siilaanyo wuu kufashilmay sida aan cilmiyaysnan ee uu u xaliyay  (Unprofessional )

Safarkii siigaale waxaa uu silama filaan ah ugu gudbay Gobalada Hawad iyo Sool oo iyagana sidaas oo kale waxaa uu lakulmay bulso la tiiraanyaysan darxumada maamulka uu madaxda ka yahay Muane Ahmed Mahamed Mohamuud Siilaanyo, oo isagu noqday mid ay ku khasaareen oo iska indhotiray wacyiga xaqiiqda ah ee bulshada Somaliland ku sugantahay

Maamulka Siilaanyo waxaa uu dhaxal gal ka tagay waxyaalo aan la soo koobi Karin oo ay ka midyihiin:

 

·        Qabyaalad. Kobcinta Qabyaalada iyo Dab kadhex hurinta Beelaha reer Somaliland.

·        Nabad Galyo Xumi caam ah oo uu maamulkiisu abuuray.

·        Cadaalad xumi aan wali hore u soo marin bulshada. Somaliland & ku tumasho shacigii qaranka.

·        Boob budhcadnimo oo hantidii qaranka shaqsiyaad uu raali kayahay ku tagri faleen.

·        Qadiyadii Guud ee reer Somaliland oo uu iibinyo isagoo dano gaar ah kaleh.

 

Gabo-Gabadii iyo gunaanadkii qoraalkaygan waxaan odhanayaa, dhamaan bulshada reer Somaliland, idinkoo nabadgalyada illaashanaya codkiina ku badala maamul xumadam idin naafaysay, marka doorashadu dhacdo, oo ku badala maamulkan mid dhaamaa.

 

 

Waa Qalinkii by: Abdirahman Ismail

Buuni

buuni12@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here