Sababaha Keenay In Cali Guray Laga Reebo Xukuumada Muuse Oo Uu Soo Bandhigay Cali Guray

0
1985

Hargeysa(SDN)Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta looga reebay Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

waxa kale oo uu cadeeyay in xukuumaddan cusubi ay ka tayo wanaagsan tahay tii uu hogaamin jiray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo saddex maalmood uun taladeedii dalka ka sii maqan tahay.

war qoraal ah oo uu soo dhigay Bogga uu facebookga ku leeyahay waxa uu ku yidhi “War nabada la idin sii. Anigu ka mid ma ahi kuwii uu Madaxwaynuhu ka sii dardaarmay uu yidhi hadhaw ha odhanina FARTAYDA EEDAYEEY waayo umaan dooranin Madaxwaynaha inu wasiir iga dhigo oo waan sii garanayay xeerka i qaban doona oo ah “ QAYBIYAA QADA” waana gobanimo ee gunnimo maaha.

Afartaa xan durugtiyo, danni jira wax sheegii.Tan kale waxan ka markhaati kacayaa in xukuumadda uu soo dhisay madaxwaynuhu ay tahay mid kooban oo tayo leh marka loo eego tii ay bedeshay, marka aan sadarada dhexdooda akhriyona xul iyo xalba way tahay xiligan ayno. Xubnaha wasiirada xukuumadda cusub waan wada hambalyaynayaa.

Shacbiga axraarta ah ee Somaliland waxan leeyahay Madaxwaynaha ha la siiyo wakhti xukuumadiisana aynu tijaabino ee yaan laga dayrin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here