Saaxishii la kala qaybsadey & Saamiyaashii la kala helay%

0
270

Saaxishii la kala qaybsadey & Saamiyaashii la kala helay% Tan iyo mudadii ay xukuumada kulmiye xilka la waraagtay waxa soo noqnoqonaya Qandaraasyo shakhsiyaad iyo shirkado lagu siinayo ilaha dhaqaalaha ee Gobolka Saaxil arintaas oo gadood iyo rajo beel ku riday danyarta iyo dhalinyaradii laabta u sii daysay ama ku qanacday buugii cagaarnaa ee waxqabadka kulmiye kaas oo ay ka filayeen horumar dhaqaale iyo inuu wax ka taro Baahida Bulshada Danyarta ,balse xukuumadu waxay sheebka kaloo soo baxaday oo ay ku bedeshay buug la yidhaah (Soo qaydo qandaraas qaranku leeyay(S.Q.Q) kaas oo cadaadkiisu labadii biloodba hal habeen soo baxo isla markaana uu mulkiyo suldaan, jeeb buur ama qurbajoog 1080 credit hours ku horqaatay madaxtooyada sacabaduna daaleen ,hadaba bal aan qandaraasyadaa iyo sida loo bixiyay ama cida lasiiyay wax kasoo qaadno .

Iyo qandaraas waliba saamiga uu ka yahay khayraadka dalka Qndaraaska Cida ku guulaysatay 1 Wersheda sibidhka Dahabshiil company 25% 2 Net fishta kaluunka Xarbi company 5% 3 Iskaraabka & Xadiidka Iskaashato 5% 4 Macdanta & Aasaarta Chines company 10% 5 Wersheda Laydhka Tayo Energy company 10% 6 Haabada Haamaha Shidalka Som Gas company 5% 7 Xarunta Xanaanada dhexe Som Cable (on the process) 5% 8 Dekeda Plore company ( on the process) 35% Hadaba muwaadin ma odhan karnaa qandaraasyadani waa kuwo lexejeclo iyo aqoon dhaqaale lagu bixiyay oo wax ka tari kara dhaqaalaha danyarta iyo dhalinyarada shaqo la,aantu aafaysay? Mise ma odhankarnaa shikhsiyaadkan iyo shirikadahani waxay xukuumada ka caawin doonaan doorashada xag dhaqaale iyo xag codba ? Suaalahan jawaabtoodu waa xaga shacabka,danyarta iyo dhalinyarada . Balse aniga waxay ila tahay Boob iyo ku takri fal hanti umadeed iyo isku dul noolaasho aan cidi dan kalahay bulshada keeda taagta daran. isla markaana qandaraasyadaasi ay noqon doonaan tikidhkii ay xukuumada Kulmiye ku raaci lahayd diyaarada( poin xilka tiri ) Shikhsiyaadka shiriikadaha hantida qaranku wada leeyahay sifaha aan sharciga waafaqsanayn ku qaatay ama gacanba ku siiyay waxa lagu qaadi doonaa xeerka Xatooyo qaran , Hantidoodana ay lawareegi doonto xukuumad Cadliya oo bulshadu ka sugayso xisbiyada Mucaaradka ah.

Dr amin nur

gaashaan888@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here