R/Wasaarihii hore ee Somalia oo sheegay in labo mar uu ka bad baaday Weeraro halis ah ay geesteen Al-Shabaab

0
138

Rai’zul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Prof. Ali Khaliif Gallayr ayaa sheegay in labo mar uu ka bad baaday weeraro halis ah ay ka dambeeyeen Xarakada Al-Shabaab.

Prof. Ali Khaliif Gallayr oo Wareysi gaar ah siiyay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya ayaa sheegay in uu ka bad baaday labo weerar oo halis ah uu ku jiro weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan lagu qaaday Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Ali Khalif in uu nasiib leeyahay uuna ka bad baaday weerrakii xooganaa ee dhawaan lagu qaaday Hotelka Jaziira, waxa uuna sheegay in qaraxaasi uu bur buriyay filinjeer ay daawooyin ugu xareesnaayeen.

Waxa kale uu sheegay Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo in sidan oo kale uu uga bad baaday weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xarunta Westgate Mall ee Magaalada Nairobi, waxa uuna isku sifeeyay nin aad u nasiib badan.

Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Ali Khaliif Galeyr oo 74-sano jir ah ayaa ayaa ilaah uga mahad celiyay sida uu uga bad baadiyay labadaasi weerar ee halista badnaa ee Al-Shabaab dadka badan ku dileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here