R/wasaare Cumar Cabdirashiid oo War cad kasoo saaray dhacdooyinkii uu maanta kala kulmay Xildhibaanada

0
244

Muqdisho(SDN)R/wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu Caawa shir Jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya.
R W
R/wasaaraha ayaa waxa uu kulankiisa uga hadlaayay Ogolaanshihii uu Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya maanta ka halay in waqti dheeraad ah la siiyo si uu usoo sameeyo wadatashi ku aadan dhanka Wasiirada.

R/wasaare Cumar ayaa sheegay waqtiga kooban ee la siiyay inuu ku dhaqaaqi doono wadatashi uu la yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. waxa uuna sidoo kale ballan qaaday inuu soo bandhigi doono xukuumad tayo leh.

R/wasaaraha oo shirkiisa Jaraa’id si qoto dheer uga hadlay dhacdooyinkii uu maanta kala kulmay Baarlamaanka ayaa waxa uu yiri “Runtii go’aankii codsiga waqti kordhintu wuxuu ahaa mid ka tarjumayay tixgelinta talooyinkii Xildhibaanada oo ahaa in la soo dhameystiro Xukuumadda. Muddadaa kooban waxaan ka shaqeyndoonaa ballaaarinta wadatashiga, abuuridda kalsoonida iyo baadi goobka aan ugu jiro in la helo xasilooni siyaasadeed.”

Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay “waxaa xusid mudan inay dalka ka luntay ku dhawaad afar bilood oo waxqabadkii Xukuumadda dib u dhac ku yimid. Waxaa hoos u dhac ku yimid hawlihii adeegga qaranka, sida gurmadkii abaaraha, dhisiddii maamullada gobollada, dib u heshiisintii, xasilintii dalka, meel-marintii shuruucda iyo guddiyada madax-bannaan kuwaasoo fududeyn lahaa ka mira-dhalinta Hiigsiga 2016.”

Ugu dambeyntii R/wasaare Cumar ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay la tashiyada uu maalmaha soo socdo ku dhaqaaqi doono, iyadoo la soo xuli doono xubno ku sifoobay wadaninimo, daacadnimo, karti iyo hufnaan, wuxuuna ka codsaday Baarlamaankana in ay kalsoonidooda siiyaan marka la horkeeno Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here