Ruushka Oo Faransiiska Si Dhaw Ula Shaqaynaya, Turkigana cunaqabataynaya

0
86

Moscow(SDN) Ruushka ayaa aqbalay in uu si dhaw ula sahqeeyo Faransiiska si ay isaga kaashaadaan la dagaalanka kooxda islaamiga ee Daacish ee gudaha dalka Suuriya.

 

Madaxweynaha dalka Ruushka,Vladimir Putin, ayaa shaaca ka qaaday arrintaasi kadib markii uu wadahadalo la yeeshay madaxweyne Francois Hollande.

 

 

Mr Putin waxa uu sheegay in uu kala shaqyn doono Paris iyo isbahaysiga uu Maraykanka hogaaminaya sidii loo wadaagi lahaa maclumaad dhinaca milatariga ah, loogana baaqsan lahaa in la bartilmaaedsado kooxaha Daacish la dagaalaaaya ee ku sugan Suuriya.

 

Geesta kale Ruushka ayaa sheegay in cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah oo kala duwan ay ku soo rogayaan dalka Turkiga, sababtana ay tahay diyaaradii dagaalka ee Ruushku lahaa ee Turkigu soo riday.

Ra’iisul wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev, ayaa ka digay in ganacsiga, gaadiidka, iyo dalxiiska ay saameyn soo gaadheyso. Wax ay sheegeen in ay joojinayaan mashaarciida maalgashiga ay dalkaasi la galeen.

Madaxa dalxiiska ayaa sheegay in uu jiri doono muddo aan la cayimin oo la mamnuucayo dalxiisayaasha Ruushka in ay tagaan Turkiga, haddii ay arrintaasi dhacdana waxa ay la micna tahay in 10-billion oo doollar oo dalka Turkiga ka soo gasha canshuuraha ay qaadaan ay 4-million oo ka mid ah ka heli jireen dalxiiska.

– See more at: http://www.ramaasnews.com/index.php/News/Ruushka-Oo-Faransiiska-Si-Dhaw-Ula-Shaqaynaya-Turkigana-cunaqabataynaya.html#sthash.JxFVu6R0.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here