Real Madrid Oo Xaqiijisay Inay Ku Guuleysatay Saxiixa Xiddiga Yurub Oo Dhan Laga Doonayay Martin Odegaard.

0
204

Arintii la xiriirtay mustaqbalka xiddiga aadka loo doondoonayay ee Martin Odegaard ayaa u muuqata inay ugu danbeyn soo dhamaatay.

Real Madrid ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay kooxda reer Norway ee Stromsgodset oo ku aadan saxiixa da’ yarka reer Norway kaasoo tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda ka hor inta aan la soo bandhigin maanta.

Odegaard, oo muddo dheer loo arkayay inuu yahay xiddig mustaqbal leh ayaa sannadkii hore tababar la qaatay kooxo badan oo ay ku jiraan Bayern Munich, Man United, Man City, Barcelona, Arsenal, Liverpool.

Laakiin kooxda reer Spain ayaa ka hoos xaday kooxaha kale ee tartanka kula jiray.

Waxa ay u badan tahay Odegaard oo 16 sanno jir ah inuu waayihiisa Real Madrid ka bilaabi doono kooxda da’ yarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here