Real Madrid Oo Ku Sii Dhawaanaysa Saxiixa Lucas Silva.

0
393

Kooxda Real Madrid ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa 21 jirka qadka dhexe uga ciyaara kooxda ree Brazil ee Cruzeiro laacibka lagu magacaabo Lucas Silva.

Marca ayaa sheegaysa in Real Madrid ay ku dhawdahay inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo saxiixa Silva saacadaha nagu soo aadan.

Wargayska ayaa intaa ku daray in laacib kaan uu qalinka ugu duugi doono kooxda ka dhisan caasimada Spain heshiis 6 sano iyo bar ah.

Real Madrid ayaa qorsheynaysa inay jamaahiirteeda u soo bandhigto Lucas Silva isbuuca soo socda waxayna u muuqdaan inay kaga adkaadeen saxiixa laacib kaan kooxaha dalka ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here