RASMI: Bilyaneer Wang Jianlin Oo Iibsaday Boqolkiiba 20 Lahaanshaha Kooxda Atletico Madrid.

0
285

Waa rasmi, bilyaneerka reer China Wang Jianlin ayaa haatan leh boqolkiiba 20 lahaanshaha kooxda Atletico Madrid. Waana maalgashi 45 milyan ginni ah oo uu ku sameystay kooxda heysata horyaalka La Liga, sida lagu sheegay website-ka kooxda Atletico.

Hotel kuwa raaxada oo ku yaala caasimada Beijing ayay heshiis ku kala saxiixdeen shirkada bilyaneerkaan ee Dalian Wanda Group iyo madaxa guud ee kooxda Miguel Angel Gil Marin iyo madaxweynaha kooxda Enrique Cerezo. Jianlin ayaa haatan ah ninka seddexaad ee ugu saamiga badan kooxda.

Lahaanshaha kooxda Atletico Madrid ayaa ah sida tan: Boqolkiiba 52 waxaa iska leh Miguel Angel Gil Marin, 20 booqlkiiba waxaa iska leh Enrique Cerezo, halka boqolkiiba 20 kale uu iibsaday Wang Jianlin. Inta soo hartay boqolkiiba 5 waxaa iska leh xubnaha kale ee qoyska Gil Marin, halka boqolkiiba 3 ay iibsadeen saamileey yaryar.

Inkastoo Gil Marin iyo Cerez ay weli maamulayaan kooxda madaama ay leeyihiin saamiyada ugu badan oo wadar ahaan gaaraya boqolkiiba 72, hadana Jianlin ayaa ka qeyb qaadan doono go’aan qaadashada kooxda, waxaana dad isaga ka wakiil ah ay si dhow u la shaqeyn doonaan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here