Rasaas Ciidanka Boolisku U Adeegsaday Shaqaaqo Magaalada Hargeysa Ka Dhacday Oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

0
142

Hargeisa(SDN)Ugu yaraan hal qof oo dhalinyaro ah ayaa ku dhintay shaqaaqo galabnimadii Axadda ciidanka Booliska iyo dad shacab ah ku dhex martay Magaalada Hargeysa.

Xogaha hor dhaca ah ee ay heshay shabakadda Ramaasnews, ayaa sheegaya in saddex qof oo kale ku dhaawacmeen shaqaaqadaasi. Dadka dhaawaca ah oo kala ah laba wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayaa la keenay Dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.

 

Ma jiro warar rasmi ah oo ka soo baxay dhacdadan balse xogo ramaasnews heshay ayaa sheegaya in Gabadh dhaawac ahayd ku geeriyootay Cisbitaalka Hargeysa, balse shabakadda Ramaas si madax banaan uma xaqiijin karto geerida qofka labaad maadaama caawa la adkeeyay ammaanka Dhakhtarka islamarkaana ay adkaatay in dhakhtarka la galo.

 

Dhacdadan ayaa ka dhalatay muran dhul ku yaala meel aan ka dheerayn xarunta ciidanka Taraafikada ee xaafadda Jigjiga Yar, halkaasi oo dad ku muransan yihiin, balse ciidanka RRU-du rasaas u adeegsadeen qoys halkaasi degan oo dhul lagu haysto kuwaasi oo booliska iskaga caabiyay dhagaxaan.

 

Inkasta oo aanay Ramaasnews helin magaca Wiilka ku dhintay dhacdadan, haddana Xogo ay heshay Mareegta Haatuf.net, ayaa lagu sheegay in wiilka Aabihii la yidhaahdo  Mujaahid Axmed Jabbaan oo shalay isla murankan dhulka loo xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here