Frank Lampard Oo La Filayo Inuu Taam U Noqdo Kulanka Chelsea Ka Dib Cabsi Dhaawac Oo Uu Ku Wajahay Abu Dhabi.

0
215

Frank Lampard ayaa la filayaa inuu taam noqdo kulanka uu ku soo laabanayo Stamford Bridge ee ay soo booqaneyso kooxdiisa cusub ee Manchester City inkastoo dhaawac sinta ah uu ku soo gaaray kulankii saaxiibtinimo ee ay shalayto Abu Dhabi kula ciyaareen kooxda Hamburg.

City ayaa booqaneysa kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier League ee Chelsea kulankaasoo muhim u noqon doona tartanka horyaalka Premier League, waxaana ay maalin dareen leh u noqon doontaa Lampard oo ku soo laabanaya garoonkii uu muddo sannado ah ka ahaa adeege daacad ah.

36 jirkaan ayaa la bixiyay ka dib 20 daqiiqo uu ciyaarayay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Bundesliga ka dhisan ee Hamburg, laakiin tababare Manuel Pellegrini ayaa sheegay ciyaarta ka dib in dhaawaca uusan aheyn halis.

“Waxa uu ku dhaawacmay iskululeynta, ka dibna waxaan ka saarnay ciyaarta si taxadar aan u muujino” ayuu yiri Pellegrini.

City ayaa ku soo laabaneysa magaalada Manchester maalinta jimcaha ee berri, laakiin weli kalama cada haddii Lampard uu taam u noqon doono kulanka FA Cup ee sabtida ee ay wajahayaan Middlesbrough.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here