Rajo Xumo Weyn Bay Nagu Abuurtay In Ruqsadii Lagala Noqodo Dugsigaan Dhiganayey, Wasaarada Iyo Dugsiyo Ayaa Raba In Ay Arday Samaystaan’’ Eid Jamal Cali

0
201

Hargeysa(SDN)Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo kala noqotay 7 school oo ku yaala magaalada hargeysa taasi oo culays weyn ku keenaysa dhamaan ardayda dhigata schooladaasi, hadaba waraysi aanu la yeelanay mid ka mid ah ardayda dhigata dugsiyadaasi ayaa noo sheegay in ay aad uga xun yihiin arintan ka soo baxday wasaarada waxbarashada Somaliland oo go’aan deg-deg ah ka soo saartay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaana hadaladisii ka mid ahaa ‘’ Dawladu kamay fiirsan ma cidbaa dhigata ma mustaqbal baa ka lumaya ileen meel bilaa ruqsad ah dhigan kari maynee waxay ila tahay uun in ay la heshiyeen dugsiyo kale oo ay rabaan in loo badiyo ardayda anagana nalagu wado in aanu kuwaas galno lkn waxay tahay oo aan leeyahay war aayaha dhalinta soo kacaysa ka fikira oo ha na niyad jabinina, haday wasaarada iyo schooladu soo heshiyeen oo la rabo in arday badan loo sameeyo micno yeelan mayso’’ Ayuu yidhi Eid Jamal Cali.

Go aan kani oo noqonaya mid kor u qaadaya tayada waxbarashada Somaliland hadana waxay rajada dhalinyaro badan oo ku jiray schoolkadaasi ruqsada lagala noqday ay ku keentay rajo xumo weyn iyo waliba dhamaan ardaydii hore uga baxay dugsiyadaasi.

 

Suradnews
Hargeysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here