Raisul Wasaare Ku-xigeenka Dawlada Turkiga Oo Ku Soo Wajahan Magaalada Muqdisho

0
207

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Turkiga, Hakan Çavuşoğlu ayaa booqasho rasmi ah todobaadkaan ku ku kala bixin doona dalalka Suudaan iyo Soomaaliya sida ay baahiyeen Warbaahinta dalkaas oo soo xiganaya qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Turkiga.

Mr.Çavuşoğlu ayaa maalinta Talaadada ah magaalada Khartoum kula kulmi doona dhigiisa waddanka Suudaan, Bakri Hassan Saleh, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo iskaashigooda khuseeya, isagoo sidoo kale booqan doona Jasiiradda Suakin ee dalka Sudan oo uu ka socdo mashruuc weyn oo dowladda Turkigu maal-gelinayso.

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Turkiga ayaa lugtiisa labaad ee socdaalkiisa Arbacada ku imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa uu la kumi doonaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyrre, sida lagu xusay qoraalka lagu daabacay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.

Waxaa diiradda lagu saari doona kulamadaas xoojinta xiriirka walaalnimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, arrimaha Amniga iyo deeqaha Turkigu siiyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here