Ragii ka dambeeyay Qaraxyadii Brussels oo la aqoonsaday iyo labo kamid ah oo Walaalo noqday

0
107

Ciidamada booliiska iyo sirdoonka dalka Belgium-ka ayaa aqoonsaday shaqsiyada ragii ka dambeeyay qaraxyadii shalay ka dhacay garoonka Diyaaradaha Zaventem ee magaalada Brussels.

Kaamirada CCTV ee ku xirneed garoonka Diyaaradaha ayaa laga arkay sadax nin oo la tuhmayo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay garoonka, labo kamid ah sadaxdaasi nin ayaa is qarxiyay halka midka sadaxaanda uu ku jiro baxsad.

Labada nin ee isku qarxiyay garoonka Diyaaradaha Zaventem magaalada Brussels, ayaa la ogaaday in ay ahaayeen labo nin oo Walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Khalid El Bakraoui iyo Ibrahim El Bakraoui.

 
Ciidamada Booliiska ayaa sidoo kale baadi goob xoogan ugu jira ninka sadaxaad ee ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Brussels oo baxsad ku jira, waxaana ninkaasi magaciisa isna lagu sheegay Najim Laachraoui .

Booliiska Belgium-ka ayaa la sheegay in ay yaqaaneen labada nin walaalaha ee is qarxiyay, balse booliiska horey uguma xirin ragan falal la xariira Argagaxiso, waxaana hada ay wadaan baaritaan ku aadan ragaasi iyo dadkii ay xariirka la lahaayeen.

Idaacad kutaala dalka Belgium-ka, ayaa baahisay Khalid El Bakraoui oo isku qarxiyay garoonka Diyaaradaha Zaventem uu dhawaan magac been abuur ah ku kireestay guri kuyaala Baadiyaha magaaladad Brussels, goobtaasi uu kireestay ayaana malamo kahor booliiska ku dileen nin hubeesnaa.

Qaraxyadii Sadaxda ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Brussels, waxaa ku dhintay 34-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 200-qof, qaraxyadan ayaana xaalad cakirnaan ah ku abuuray dalka Belgium-ka.





 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here