Rabshado Dhimasho Keenay oo ka dhacay Xero Qaxooti oo kutaala dalka Sweden

0
168

Xero ay ku xareesnaayeen dad Qaxooti ah oo ku taal magaalada Ljusne ee bariga dalka Sweden ayaa shalay waxaa ka dhacay rabshado keentay dhimashada hal qof oo kamid ahaa dadka qaxootiga ah ee xareesnaa xeradasai.

Rabshadaha ayaa la sheegay in uu dhax maray qaxootiga ku jiray xerada kutaala magaalada Ljusne, mana jiraan wax dhibaato ah oo kasoo gaaray rabshadahaasi shaqaalaha u dhashay dalka Sweden ee ku sugnaa xerada uu dhibku ka dhacay.

 
Ciidamada booliiska ayaa baaritaano ku sameenaya rabshadaha ka dhacay xerada qaxootiga ah, waxa ayna xireen ciidamada qaar kamid ah dadkii ku lugta lahaa rabshadahaasi oo kamid ahaa dadka qaxootiga ah.

Wali ma cada waxa keentay rabshadahan uu halka qof ku dhintay, lamana shaacin dhalashada qofka ku dhintay iyo waliba dadka kale ay xireen ciidamada booliiska ee ku lugta lahaa rabshada ka dhacay xerada kutaala magaalada Ljusne.

Dhawaan ayey aheed markii Wiil Soomaali ah uu midi ku dilay haweeney dhalinyaro aheed oo lagu magacaabi jiray Alexandra Mezher , gabadhan ayaana ka shaqeeneysay goob lagu xanaaneeyo caruurta aan qaan gaarka aheyn

Dalka Sweden waxaa sanadkii tagay gaaray qaxooti gaaraya 140-kun qof oo u badnaa dad ka cararay colaada Siiriya, waxaana Dowlada Sweden ay dhawaan xirtay xuduudeeda iyada oo xamili weysay qul qulka qaxootiga dalkeeda kusoo yaacaya.



 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here