Raali Galin:- Maamulka Guud Ee Shabakada Wararka SURADNEWS waxay Raali Galin Buuxda Ka Bixinaysa War Ku Saabsan Booliska Somaliland iyo Taliye S/Gaas Cabdilaahi Fadal

0
825

Hargeysa(SDN)Maamulka Guud Ee Shabakada Wararka SURADNEWS waxay raali galin buuxda ka bixinaysaa War ku saabsan in ciidamada Booliska Somaliland ay tacadi u gaystaan Shacbiga ku dhaqan Somaliland, gaar ahaan Ciidamada nabad galyada wadooyinka iyo ciidamada inta badan ka shaqeeya suuqyada waa weyn ee magaalooyinka.

 

Geesta kale waxaanu raali galin ka bixinaynaa war ku saabsan Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman waxaananu xusaynaa in warkii hore uga baxay shabakada aanu ka saarnay anagoo tix galinayna Taliyahaha Ciidanka iyo waliba masuuliyiinta kala duwan ee arintaasi aanu ka wada hadalnay.

Talaabadii aanu ka qaadnay wariyihii warkaasi baahiyey oo aanu mudo shaqada ka joojinay anagoo eegnay masaalaxada iyo hubinta warkaasi baxay oo sababtay in ay muhiim tahay in cid kasta oo laga soo dac-woodo dib u eegis lagu sameeyo mudadaasina shaqada laga hakiyo.

 

Sidaa darted waxaanu Raali galin buuxda ka bixinaynaa in Labadaasi war ee ku saabsan Booliska Somaliland iyo Maamulkiisa aanu ka raali galinayno Booliska iyo Taliyahaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here