Qurba Jooga Somaliland Oo Cabasho Ka Muujiyay Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines Iyo Maxamud Xaashi Oo Afka Ka Xidhay

0
184

Hargeisa(SDN)Rakaabka isticmaala shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa cabasho xoogan ka muujiyay dhibaatooyin soo waajaha allaabooyinka ay diyaaradaas ku soo rartaan.

diyaarad

Duulimaadka diyaaradan Ethiopian Airlines-ka ee yimaada Hargeysa ayay dhibaatooyin kala kulmaan inta badan rakaabka shirkadan ka soo raaca Addis Ababa kuwaas oo ka kala yimaada dalalka Yurub, Maraykanka iyo Carabta.

 

Dadkan oo u badan qurba jooga reer Somaliland ee isticmaala shirkadan duulimaadyada ee Itoobiya ayaan helin cid xalisa dhibaatooyinka la soo darsa allaabooyinka ay dibada kala yimaadaan, madaarka Cigaal ee Hargeysa oo duulimaadkani uu ku eegyahay ayaan wax la xisaabtan ah la samayn shirkadan sida weyn ay uga cabanayaan dadka reer Somaliland ee laga leeyahay Itoobiya.

 
Dadkan u badan quruba joogta reer Somaliland ayaa waaya inta badan shandadaha iyo alaabooyinka kale ee ay shirkadan Ethiopian Airlines kaga soo rartaan caasimada Itoobiya, iyadoo mararka qaarkood gabi ahaanab laga yimaado dhamaan Dadka rakaabka ah ee la socoda Diyaarada Shanadadahooda iyo waxa kale ee ay sitaan iyadoo loo sheego in Maalin ka dib loo keenayo Alaabtooda, Balse mararka qarkood waxa dhacda in dadku mudo ku soo noqnoqdaan sida ku dhacday Maxamuud Axmed  oo ka yimid wadanka Maraykanka oo watay Sagaal Caruur ah Wuxuu Wargeyska Waaheen u Sheegay isagoo Madarka ku sugan “ Waxaan Watay Sagaal Caruur ah Xitaa maanta uma hayo waxay xidhaan, Waxa iga maqan Lix Shandadood  oo ay ku jiraan Dharkoodii Waxaana lagu reebay addisabab Mana garanayo Cid aan u cawdo, Shirkaduna waxay tidhaahda malin walba waanu keenaynaa, ilaa hada ma hayo shandadahaygii”  Maxamuud Axmed .

 

Wasaarada duulista iyo hawada oo aanu la xidhiidhnay ayaa iyadu ka gaabsatay inay ka hadasho dhibaatooyinka shirkada Ethiopian Airlines ka soo waajahaaya qurba joogta reer Somaliland iyada oo haatan la galay xiligii xagaaga ahayd, Arrintanina ay tahay mid soo noqnoqota Mar walba balse aan waxba laga qaban, taasoo Dadwaynaha Isticmaalka Madarka Hargeysa aad uga cadhaysiisay.

 

 

Arrintan ayaa waxay Niyad jab ku keentay Rakaabka Diyaaradan isticmaala oo aan haysan meelo kale oo ay uga wareegaan, Dhinaca kale Amusnaanta Wasaarada Duulista Hawada oo iyadu Dalka uga masuula duulimaadayada iyo diyaradaha ayaa dad badani dareensan yihiin in ay ka gaabisay Cabashooyinka sanad walba soo noqnoqonaya ee Diyaarada Itoobiya Airline Arrintani waxay sumacad xumo ku tahay dhamaan qaranka

 

 

 

@WAAHEEN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here