Qoyska Obama oo bilaabay in ay kasii guuraan Aqalka Cad

0
287

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa lagu wadaa in 20-ka bishan uu si rasmi ah u wareejiyo Xilka Madaxtinimo, waxaana Xarunta Aqalka Cad kusoo wareegi doona Qoyska Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

Qoyska Madaxweyne Obama ayaa bilaabay in ay kasii guuraan Aqalka Cad eena kasii qaataan alaabaha yar yar ee halkaasi ka yaalay, waxaana Qoyska Obama ay ku wareegi doonaan qasri weyn oo si qurux badan loogu qalabeeyay.

 

 
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sawiro kasoo qaaday Qoyska Obama oo gurigooda cusub geesanaya alaabaha ay u baahan yihiin, waxaana guriga cusub u wareegi doonaan marka uu Madaxweyne Obama xilka wareejiyo 20-ka bishan oo sadex maalin kaliya ka harsan tahay.












LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here