Qoys Soomaali ah oo aas u sameeyay Bisad ay lahaayeen oo shil baabuur ku geeriyootay

0
295

Qoys Soomaali ah oo kunool Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska ayaa aas u sameeyay bisad ay lahaayeen oo ku geeriyootay shil gaari oo dhawaan ka dhacay meel aan ka fogeyn gurigooda.
bisad
Bisadan oo aheed mid rabaayad ah ay lahaayeen qoys Soomaali ah ayaa ku geeriyootay shil gaari, waxaana booliiska Magaalada London ay waceen qoyska lahaa bisada geeriyootay si ay ugu wargaliyaan dhacdadan.

bisad
Waxaa sidoo qoyska Bisada lahaa soo wacay isbitaalka oo ku wargeliyay in bisadoodii ay u dhimatay dhaawacii shilka kasoo gaaray, lagana rabo inay u yimaadaan isbitaalka si loo gala taliyo qaabkii ay bisadan u aasi lahaayeen.

Adan Warsame Buryar oo ah aabaha qoyska Bisada ka geeriyootay ayaa BBC-da u sheegay in layaab ku noqotay in booliiska iyo isbitaalka soo wacaan kuna wargaliyan in bisadooda geeriyootay, waxa uuna xusay in Isbitaalka markii ay soo waceen u sheegay in ay iska tuurana balse laga diiday arintasai.

”Waxaa isoo wacay isbitaalka waxa ayna igu wargaliyeen in bidasdeenii geeriyootay loona baahan in aas u sameyno, waxaa ku iri iska tuura hadii ay baqtisay balse waa la iga diiday oo la igu yiri wa amuhiim in la aaso ,waxaa la isoo bandhigay in sadax arin mid aan sameyno in bisada aas sare loo sameeyo ama la gubo bisada ama aan gurigeyna ku aasano, waaa isoo baxday in aan gurigeyga ku aasano maadaama labada arin kale ay lacag aheed”Ayuu yiri Adan Warsame Buryar.

Arintan ayaa layaab ku noqotay Aabaha qoyska oon fileyn in noloshiisa uu aas u sameyn doono bisad geeriyootay, waxa uuna tilmaamay in wax walbo aduunka lagu arkayo ayna tani tahay mid noloshiisa ku cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here