Qorshihii Xisbiga Waddani Ka Lahaa Mooradii Cakirnayd Ee Berbera Oo Ka Dhicisoobay Iyo Hadalo Nabad-Diid Ahaa Oo Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dareeno Kala Duwan Ku Abuuray Bulshada Somaliland

0
115

Qorshihii Xisbiga Waddani Ka Lahaa Mooradii Cakirnayd Ee Berbera Oo ka Dhicisoobay Iyo Hadalo Nabad-Diid Ahaa Oo Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dareeno Kala Duwan Ku Abuuray Bulshada Somaliland

 

Waa In Deg-deg Loo Furaa Isgaadhsiinta Berbera.. Cabdiraxmaan Cirro….

 

 

Maxaa Dan ah Ee Ugu Jiray Furitaanka Isgaadhsiinta Saaxil Gudoomiye Cirro?

 

 

 

Maxay Tahay Sababta Ka Dambaysa In Xisbiga Waddani Ka Muquurto Aaskii Taliye Casayr

Ee Hadoorkii Qarannimada Jeclaa Kulmiyey

 

 

 

Qorshihii Xisbiga waddani ka kalahaa Gobolka saaxil oo dhicisoobay ka dib markii la soo afjaray mooradii cakirnayd ee ka taagnayd gobolkaas oo ka dhalatay dilkii allah hawnaxariistee taliye casayr oo ay qudhgooyeen maleeshiyo nabadiid ah xisbiga muraacadka ah ee waddani ayaa isagu umushraxadayey qorshe uu danmoodayey oo uu miiska saartay waxaana dhawaaqyo su,aalo dhaliyeen ka soo yeedheen Horjoogaha xisbiga waddani cabdiraxmaan cirro isagooqorshihiisa u meeldayaya uu warbaahinta la soo fadhiistay hadal dareeno badan dhaliyey oo bulshadu siyaabo badan u fasilatay ka dib markii xukuumadu xidhay isgaadhsiintii gobolka saaxil intii lagu jiray xasilinta nabada isagoona af labadii daan ku cabaadey in isgaadhsiinta la furo

 

 

ujeedka xukuumaduna ay ahayd in sidii nabad loogu soo dabaali laha afawdii cakirantay si loo soo qabto dablaydii falka gaysatay oo is gaadhsiinta looga jaro Balse waxaa is weydiin leh mudane cabdiraxmaan cirro oo ah gudoomiyaha xisbiga waddani sababta uu udalbadey in isgaadhsiinta dib loogu soo celiyo saaxil ilaa hada lama garanayo qorsha uu daaranaa hadalkiisaasi dadka qaar ayaa ufasilay in uu rabo sii socodka qaskii saaxil halka qaar kalena ay qabeen inay isaga dan ugu jiro sii socodka mudaharaadyadaa si doorashada dib loogu dhigo,

 

gudoomiyahaxisbiga waddani ayaa ah musharax ka soo baxay gobolka saaxil oo laga soo doortay hadana door iyo danba waxaa unoqotay isku dhaca reer saaxil cabdiraxmaan cirro oo musharax madaxweyne u ah xisbiga waddani ayaa ah mid xiligan bulshada reer Somaliland ka dawaraya taageero uu ku fuulo qasriga Somaliland balse garan la tubtii loo mari lahaa, xisbiga waddani iyo shoofeerkooduba waxay ka muquurteen aasqaran oo loosameeyey marxuun casayr oo dablay oofsatay waxaana uu kulmiyey dhamaan haldoorka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah.

 

Balse waxaa dhego furayn kaga jawaabay musharaxa xisbiga waddani iyo xisbigiiisa halka gudoomiye ku xigeenka xisbiga waddani axmed muumin seed iyo koox uu horkacayaa uu dur-duro orad ku soo jiidhay magaalada berbera ka dib socdaal uu kaga soo baxay magaalada burco talaabadan labaad ayaa su,aalo badan dhalisay oo reer Somaliland siyaabo kala duwan uga jawaben halka qaar kalena jawaabo u waayeen waxaana musharaxana lagu tiriyaa mid aan daacad ka ahayn qaranimada isagoo laabta ku haysta mabda ah somaliweynlexe jeclo badana ka qabin dhisida qaranmida iyo naaloonta nabada lagu caano maalaymaadaamoo uu ka maqnaa halgankii dalka iyo dub u xoraynta kana mid ahaa adeegayaashii kacaankii jaale siyaadmaantana bulshada ku beer laxawsanaya in uu musharax hogaamiye unoqonaya yahaybalse aanay reer Somaliland taas qabin .

 

 

 

 

Xigasho Wargeyska SAHAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here