Qaybtii labaad ee Warbixintii Xil Wareejinta Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, “Waddooyinka”

0
201

Waxaan wareejinayaa hay’adii wadooyinka oo leh: – Qalab , Xeerar , Cashuur joogto ah oo u soo dhacda , Lacag qaadhaan ah oo bulshadu ku deeqday , Daamuur intii jidka Ceerigaabo u baahnaa oo dhan , Dhagax jabiye-yaal “Crushers” jayga sameeya iyo Bulsho horumarka u heelan

 

 

Waxaan jecelahay inaan warbixin guud mar ah ka bixiyo waddooyinka oo iyaguna Wasaarada Madaxtooyada hoos imanayey oo iyaguna runtii lahaa caqabado badan markii la I hoos keenay iyo dhaqaajintoodiiba.

 
Maxay ku timid in Wadooyinka Madaxweynuhu hoos geeyo Wasaarada Madaxtooyada?
Hoos gaynta Wakaalada Horumarinta Waddooyinka “RDA” oo horay loo odhan jiray “SRA” la hoos geeyey Wasaarada Madaxtooyadu waxay ku timid kadib markii gudidii wadooyinka ee wakhtigaas joogay iyo Wasiirkii ay wadooyinku hoos iman jireen ee Hawlaha Guud ay labaduba arkeen in sidii markaas xaalku ahaa aanay waxba ku soconayn isla markaana ay Madaxweynaha ku talo siiyey in uu qaab dhismeedka wax ka badalo taasi oo keentay in Madaxweynuhu ku go’aan qaato in uu aniga I hoos keeno.

 

 

Caqabadihii igala kulmay wadooyinka markii aan la wareegay.
– Kadib markii Madaxweynuhu ku dhawaaqay in Wakaalada horumarinta Wadooyinku hoos iman doonto Madaxtooyada waxaa soo baxay guux iyo qaylo dheer oo odhanaysa maxaa Wadooyinka loo geeyey Madaxtooyada? Maxaa kala galay Wadooyinka iyo Madaxtooyada? Lacag baa lagu lunsanayaa wadooyinka iyo nooc walba oo qaylo dhaan ah ilaa ay gaadhay Barlaamka balse tuhunkii iyo qayladii yeedhay Ilaahay naguma kashifin ee uu nagu guuleeyey, waxaan u soo horaysiiyey warbixinta caqabaha waxaan maqlayey qolo le aaway lacagtii wadooyinku waxaan leeyahay ‘ horta lacag aan wadooyinka kula wareegay ma jirto ee Malaayiinka aan maanta wareejinayo waa tii intii aanu joognay aanu u samaynay isla markaana u qaabaynay qaabkii ay kusoo bixi lahayd oo aan nidaam xisaab celin ahna raacinayo ”

 

 

– Caqabada kale ayaa ahayd in aanay jirin nidaam qaabaysan “Cashuur” Wadooyinka dalka lacag wax loogu qabto ugu soo xarooto marka laga tago wax yar oo cashuur ah oo uga soo xaroon jirtay Fuel-levy-ga , caqabadaas oo u baahnayd samaynta cashuur wax lagaga qabto wadooyinka dalka

 

 

– Caqabada kale ayaa ahayd in aanay jirin qorshe iyo jaantus cad oo u yaalay waddooyinka dalka kaasi oo ugu yaraan kala sheegaya wadooyinka dalka isku xidhi kara iyo halka ay marayaan iyo sidoo kale waddooyinka mustaqbalka u baahan in la dhiso marka awood loo helo

 

 

– Waxa kale oo culays wayn ahayd shacabkii JSL oo dareenkii iskaa wax u qabsadu gabaabsi ku ahaa una baahnaa abaabul iyo in aad u abuurto tartan dhanka horumarka ah kaasi oo marmar isna dhib kugu keenaya marka dariiqyo badan ay shacabkii bilowdaan adigana taageero dhaqaale kaaga wada baahdaan!
Qodobadaas iyo kuwo kaleba waxay ahaayeen kuwii I soo food saaray markii Wadooyinkii la hoos keenay Madaxtooyada.

 

 

Nidaam Xisaabeedkii aanu u samaynay lacagta u soo xaroota Wadooyinka
Kahor intii aanu bilaabin xoolo ururinta waxaanu dajinay nidaamka hufnaanta xisaabeed ee lacagtu ku bixi karto waxaanan ka dhignay in ay lacagtu ku bixi karto oo kaliya kadib marka ay saxeexaan todoba qof “7 Signatures” oo aanay saxeexayga iyo ka maareeyahaba aanay midna ku bixin
Todobadaas saxeex ayey kala lahaayeen
3 xubnood oo kamida gudida wadooyinka oo aan aniga iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee Cadami kamid nahay “ waxay gaar u ahayeen mashruuca jidka Ceerigaabo”
3 Xubnood oo kamida Wakaalada Horumarinta Waddooyinka
1 Xubin oo ah “Internal auditor” .. hubiye xisaabeedkan ayaan anigu isku waajibiyey isagoon sharci igu waajibin oo aan shaqada u qoray si uu marwalba u hubiyo xisaabta kaasi oo aan amar ku siiyey in aanu shilin bixi Karin ilaa uu soo hubiyo Internal auditor-ku
Maxaa yeelay sida aad ogtihiin waxaa kala jira dunida External Audit iyo Internal Audit kaasi oo masuuliyada Internal Auditor-ku tahay in uu gudaha baadho oo xisaabta hubiyo oo sadexdii biloodba mar baadho halka External Audit-ka banaanka laga keeno si uu u baadho god daloolada markaas hay’adi leedahay sidaasi si lamid ah ayeynu ka dawlad ahaana u leenahay Hubiye Xisaabeed “External Auditor” uu baarlamaanku soo ansixiyo oo marba hay’ad baadha hab xisaabeedka ka jira
Hadaba, todobadaas saxeex marka ay marto ayey lacagtu baxdaa , XAASHA shilin meel kagama maqna kagama maqnaan karo marka nidaam noocaas ah loo dajiyo , waligayna $1 kamaan qaadan lacagta waddooyinka lacag iska dhaafe Shidaal waligay kagamaan shuban lacagta wadooyinka !
Waan maqlayey qolo lahayd audit baa loo diray waddooyinka, waan ku faraxsanahay hadii loo diro oo waa nadiif wax warwar ahna kama qabo oo waanu isku kalsoonahay, wixii qof lagu xumaynayo waa sideeda lakiin shaqo iyo nidaam sidii ugu wanaagsanayd ayaan is leeyahay waad u marteen hanaanka horumarinta wadooyinka
Hadaba, markii madaxweynuhu amray in wadooyinka nala hoos keeno ee Madaxtooyada la hoos keenay, shaqadii koobaad ee aan qabtay aniga iyo ragii ila shaqaynayeyba waxay ahayd inaan bilownay sharcigii dhaqaale loogu abuuri lahaa wadooyinku ku hirgalaan iyo sharcigii aasaaskeeda iyo jiritaankeeda lagu samaynay lahaa “Establishment act”, maxaa yeelay cashuurtii hore ugu soo xaroon jirtay wadooyinku waxay ahayd wax aan $600,000 ilaa $700,000 aan ka badnayn oo kasoo gali jiray cashuurta la yidhaahdo Fuel levy-ga oo uu sameeyey wakhtigii dawladii Maxamed X Ibraahin Cigaal AUN
Lacagtaas yar ee soo xaroon jirtayna waxay ku dhamaan jirtay mashaariicda yaryar ee kabkabka wadooyinka oo aan laba ilaa sadex mashruuc aan ka badnayn.

 

 

 

Sidaas darteed ayey aragtida fog ee Madaxweynuhu “Vision “ iyo aragtidii aanu diyaarinayba ahayd in waddooyinkii horena la dayac tiro maadama iyaga laftooda baaba’yeen kuwo cusub oo bulshada oo markaa isbadalka iyo horumarka dhankiisa u soo jeesatayna lala jaanqaado oo wadooyin cusubna la sameeyo
Hadaba sida aynu ognahay mashaariicda waawayn ee ay kamid yihiin waddooyinku maaha kuwo dhaqaalaha kooban ee Budjet ka kasoo gala ku filnaan karayaan inay dhisaan wadooyin sahli kara isu socodka bulshada hadana sidaas ay tahay waxaanu isku daynay in aanu dhan walba iyo dedaal walba ku bixino oo aanu raadino in dhaqaale u soo xaroodo wadooyinka oo aanu baadidoono dhaqaale suurtogaliya in wax lagu dhaqaajiyo si dunidu markaa wax inoogu darto .

 

 

Si ay arintaasi u suurto gasho waxaanu samaynay xeerkii takaaliifta waddooyinka, si xeerkaasi noogu suurto galana waxa sharcigu yahay in aanad lacag bulshada ka qaadi Karin ilaa aad golaha sharci dajinta soo mariso sida dastuurku dhigayo oo waa mamnuuc inaad xeer sidaas ah oo aanan soo marin barlamaanka aad fuliso, sidaas darteed waxaanu qornay takaaliftii oo aanu waxyar saarnay xoolaha oo aanu ku soo rognay $0.5 ilaa $3 hadba sida xoolahu u kala duwan yihiin iyo sidoo kale gaadiidka waddada maraya oo iyagana waxyar la saaray iyaanu diyaarinay kadib barlamaanka ayaanu u gudbinay Illaahay fadligii dhib walba oo naga gaadhay way kasoo gudubtay Baarlamaankii Madaxweynuhuna u saxeexay .

 

 

Hadaba, markii intaasi noo qabsoontay waxaa suurto gashay in isla sanadkii koobadba ay Wadooyinka u soo xarootay lacag dhan $4,000,000 “Afar Malyan oo doolarka maraykanka ah” oo ka baxsan intii awal horay loo qaadi jiray ee Fuel Levy-ga
Hadana intaas kagamaanu hadhin ee waxaanu baadidoonay in shaqaalaha dawladu ka qayb qaataan Mashaariicda horumarka ee dalka ka socda waxaanan Madaxweynaha ka codsanay in uu bulshada noo waydiiyo in ay ka qayb qaataan oo min Askari ilaa Madaxweyne lacag kooban aanu ka jarno “Shaqaalaha dawlada” markaas ayaa wax aan qof walba culays ku ahayn la saaray oo la tusayey in qof waliba dalkiisa wax ku darsado halkaasna lacag ayaa Waddooyinkii uga soo xarootay waxaana naga soo gali jiray lacag ku dhaw $2,000,000 “Laba Malyan oo Doolarka Maraykanka ah”

 

 

Sidoo kale waxaanu abuurnay dareenkii iskaa wax u qabsada ahayd oo waxaanu bulshada waydiisanay in ay gacan ka gaystaan mashariicda horumarka ah ee dalka ka socda waxaanan diyaarnay gudi qaadhaan ururin ah oo dal iyo dibedba shacabka ka ururiya dhaqaale wixii ay dalka ku darsanayaan, si qof walba isaga dhex arko wixii uu dalka ku darsadayna waxaanu samaynay mareeg qof walba iyo lacagta uu ku darsaday uu iska dhex arki karo oo la yidhaa www.somalilandroads.comhalkaas oo boga qaadhaan ururinta qof walba magaciisa iyo inta uu bixiyey la galiyo si aanu hufnaanta iyo is aaminada kor ugu qaadno

Isku darka lacagtii shacabka nooga soo xarootay waxay dhamayd wax aan Malyan iyo dhawr boqol oo Doolar ka badnayn halka intii shaqaalaha dawlada aanu saarnay sanad walba nooga soo xaroon jirtay Laba Malyan oo Doolarka Maraykanka ah
Hadaba, halkaas ayaan ku abuurnay lacag joogta ah oo Waddooyinka u soo xarooda sidoo kalena waxaanu gudbinay sharcigii hay’adu ku jiri lahayd oo isaguna Baarlamaanka la yaala oo aan wali la pass garayn oo runtii ah arimaha u baahan in la daba galo, waayo waxaanu u samaynay in Hay’adu taagnaato oo ay noqoto “Sustainable” waayo marna abuurka “Estabilshment” ka ayaad ka shaqaynaysaa marna jiritaankeeda dambe “Sustainibility “

 

 

Waayo si aanay Hay’adu Xirsi markuu tago ula dumin oo marka Wasr Maxamuud tago ula dumin oo marka Madaxweyne Silanyo tago ula dumin ayaanu u samaynay sharcigii ay waligeed ku jiri lahayd ee ay ku taagnaan lahayd iyo sidoo kale siyaasadii iyo hanaankii hay’ada “Policy iyo Procedure”
Waxaanu sidoo kale diyaarinay si qof walba oo hay’ada qabta ay shaqadu ugu sahlanaato “Somaliland Road Network Master Plan “ oo labaatanka iyo soddonka sano ee soo socdaba ay ku cadahay wadooyinka ay tahay in la sameeyo ka dawlad ahaan awooda aynu doono aynu u yeelano ama cidi ha inaga caawisee horta waa in aad himilo la timaado iyo qorshe aad ku talaabsato ama lagugula jaanqaado, taasi ayaanu diyaarinay oo iyadoo daabacan inoo taala xafiiskaygana sudhan masuulka cusuban heli doono Insha Allah jidadkaas oo qaarkood daraasad laguba sameeyey oo daraasadii xafiiska taalo qaarkoodna in lasii daraaseeyo u baahan yihiin.

 

 

Waxaanu sidoo kale si aanu u yarayno lacagaha Machinery cost-ka ama lacagta ku baxda qalabka aanu soo iibinay Qalab ay yeelan doonto wakaalada Horumarinta waddooyinku kuwaas oo wax badan hoos u dhigi doona lacagtii ku bixi jiray samaynta waddooyinka oo imika ka hawl gala mashruuca dalka ugu balaadhan ee Ceerigaabo
Warbixintaasi sare waa:
• lasoo wareegidii hay’adda.
• Abuuristeedii “Establishment”
• Dhaqaale u samayn teedii.
• U Samaynta sharcigii ay ku waari lahayd “Sustainability”
• Iibinta qalab ay Wakaaladu leedahay
Intaas kadib, si aanu u hawlgalno waxaanu wadooyinka u qaybinay laba: mid samaynteeda iyo dayactirkeeda dawladu ka shaqaynayso iyo mid bulshadu ka qayb qaadanayso dawladuna caawinayso oo bulshadii iyo dawladii oo isku duuban wax wada qabanayaan.

 

 

Hadaba jidadka Bulshadu bilowdo dawladuna gacan wayn ayey ka gaysataa si loo abuuro tartarn dhanka horumarka ah sidoo kalena xooga bulshada loo dhaqaajiyo marwalba oo bulsho meel wada degan jid bilowdaan dawladuna si mugle ayey gacan uga gaysataa isuna barbar taagtaa is garabsiga noocaas ahina waa ka keenay horumarka baaxada badan ee dalkeena ka suurogalay mudooyinkii lasoo dhaafay sidoo kale siyaasadii Madaxweynaha ayaabay ahayd in dareenkii iskaa wax u qabsada ahaa lasoo nooleeyo oo la hirgaliyo ayey boodhka ka jaftay walaw jidadka noocaas ah bilowgiisu bulshada ka yimaado hadana mararka qaar dawlada ayaaba ka gacan badsata bulshadii markaas bilaabatay dhismaha jidkaas.

 

 

 

Sidoo kale jidadka ay dawladu iyadu sida tooska ah u wado waxaa kamid ah Waddada ugu wayn imika dalka laga hirgalinayo ee Ceerigaabo iyo jidka Somaliland iyo Ethiopia isku xidha ee Wajaale – Kalabaydh iyo Jidka Borama – Dilla “Walaw Asarda waday hadana dawladu gacan wayn ka gaysatay hirgalintiisa”
Waxaan si gaar ah ugu dardaarmayaa in gacan xoogle la siiyo cidkasta oo dedaal muujisay oo shaqo wanaagsan deegaankooda ka qabtay oo ay ugu horeeyaan jidka ugu dedaalka badan ee Salaxley oo bulshadu wax 30Km ku dhaw sameeyeen. Maaha in qof iyo cid gaara la dhiirigaliyo ee waa in sida dadku u kala dadalaan loo sii kala dhiirigaliyo la isuna barbar taago, walaw aan marwlba gacan iyo garab aanu la barbar taagnayn waxaan gaar ugu xusayaa in aan muujiyo dedaalkii ay sameeyeen.

 

 

Ka sakow waddooyinka dhamaaday waxaan si guud mar ah idiinku sheegayaa jidadka socda ee u baahan la shaqaynta iyo garabka
Dilla – Kalabaydh
Dawga Cad
Allaybaday
Baligubadle
Salaxley
Oodweyne
Qoryaale
Berbera – Raaribuur

Marka laga yimaado cusboonaysiinta jidka Dilla – Kalabaydh oo aanu dunida ka helnay samayntiisa isaga iyo Hargeisa – Berbera
Jidadkaas oo dhan bulshada ayaa waday anaguna gacan buuxda ayaanu la barbar taagnayn waxaanay u baahan yihiin in halka ay maanta taagan yihiin horay looga sii wado aadna waan ugu dardaarmayaa in lasii dhiirigaliyo

Hadaba , markii aynu dedaalkeenii la nimid waxaa Illaahay mahadii inoo suurtogashay in duniduna wax inagu tarto waayo aduunku wax ii qabo ma yaqaan ee wax ila qabo ayuu yaqaan.

 

 
Waxaan ka xusi karaa mashaaricdii aynu dunida ka helnay mashruuca jidka Berbera oo markii aanu Xamaas maraynay dunidu ina soo gaadhay oo ay 100Km inagu tareen! , 40Km oo isku yaal oo ka bilaabma Xamaas ilaa Berbera oo aad aragteen quruxda iyo raandhiiska ay leedahay iyo 60Km oo kala go’go’an oo ilaa Sheekh meelaha aadka ugu baahan laga qabtay
Waxaan sidoo kale balanqaad ku haysanaa oo pipe line-ka ku soo jira Waddada Sheekh ilaa Laasacanood oo aan Insha Allah ka rajaynayno qolada GIZ in ay noo fuliyaan jidkaas iyo 6 bridge , Lixdaas Bridge oo laga kala qaban doono: 2 Laasacanood, 2 Burco , 1 Hargeysa , 1 Borama.

 

 
Sidoo kale Mashaariicda aynu dunida ka helnay ee u baahan inaan xuso ayuu kamid yahay cusboonaysiinta jidka Dilla – Kalabaydh oo ay ku bixi doonto lacag ku siman “Laba Malyan iyo Todoba boqol oo kun oo doolarka maraykaynka ah”
Guud ahaan lacag ku dhaw $11,000,000 “Kow iyo toban malyan oo doolarka maraykanka ah” ayeynu dunida ka helnay markii aynu dedaal iyo hufnaan shaqo tusnay oo marka aad kalsooni , abaabul iyo dedaal la timaado ayaad godlin kartaa jeebka dunidana

Intaasna waxaan ku soo gabogabaynayaa wadooyinka wixii dawladu dhistay, kuwa bulshadu wado iyo inta aanu dunida ka helnayba iyadoo ay waliba jirto in ay imika Hay’adu tiro badan xiisaynayaan in ay dhanka waddooyinka wax inagala qabtaan una baahan tahay in xidhiidh joogto ah iyo dedaal dheeri ah lagu bixiyo marka laga yimaado SDF-ka iyo GIZ oo aan tilmaamay gacanta ay dalkeena ka gaysteen waxaa iyaguna jira hay’ad la yidhaa UNPOS oo iyaguna wada hadal noo socday oo aanu kadib markii ay noo sheegeen in ay mashaariic u hayaan waddooyinka yaryar ee xoolaha iyo beeralaydu isticmaalaan “Access roads” ayaanu u gudbinay qorshaha ilaa 26 waddo oo yaryar “Access Roads” oo ah wadooyinka u baxa hawdka iyo waqooyiga dalka ee u kala gudba dhulka xooluhu maraan iyo dhulka beeraha loo maro.

 

 

 

Way jiraan oo horay ayaanu uga shaqaynay waddooyinka noocaas oo kale ah oo waxaanu gacan ka gaysanay waddada isku xidha Ruqi – Dilla iyo jidka dheer ee Xeego – Borama oo waad taqaanaan dhulka buuralayda ah iyo dhibta beeralayda iyo xooluhuba ku qabaan inay maraan runtii bulshada ayaa is abaabushay anaguna gacan ayaanu ka gaysanay .

 

 

Ugu dambayn waxaan wareejinayaa hay’adii wadooyinka oo leh
Qalab
Xeerar
Cashuur joogto ah oo u soo dhacda
Lacag qaadhaan ah oo bulshadu ku deeqday
Daamuur intii jidka Ceerigaabo u baahnaa oo dhan
Dhagax jabiye-yaal “Crushers” jayga sameeya
iyo sidoo kale jidkii Ceeerigaabo oo ku dhawaad 160Km oo isugu jira wax daamuurkii yaalo iyo wax caro-kaawadii taalaba isugu jira

Waxaan wareejinayaa dal jidkii horumarka haya iyo dad u heelan!’

Qaranka Somaliland guul aan dhamaan ayaan u rajaynayaa shacabka horumarka hayana horusocod ayaan Alle u waydiinayaa

La soco qaybta u dambaysa
Maxaan ka shaqayn doonaa xilkii aan qaranka u hayey kadib?

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here