Qaxootigii Ugu Badnaa Ee Yemaniin Ah Oo Soo Gaadhay Magaalada Boosaaso+Sawirro

0
191

Waxaa shalay oo Jimco aheed Dakada Weyn ee Magaalada Boosaaso kusoo xiratay dooni waday qaxootigii ugu badnaa ee Soomaaliyeed kuwaa oo kasoo cararay colaada kasoo cusboonaatay Dalka Yaman.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee shalay soo gaaray Magaalada Boosaaso ayaa tiradoodu waa ay gaareysay 260-qafood oo isugu jira Haween, Caruur, Dad da, ah iyo Dhalinayro, waxa ayna doon kasoo raaceen Dakad kutaala DMagaalada Mukalah ee Dalka Yaman.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Puntiland, Waxgarad , Haween , iyo Hay’adaha ka howlaga Deegaanada Maamulkaasi ayaa dadkan uga hortagy si weyna ugu soo dhaweeyay Dakada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qaxootigan Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxaaa heesta dhibaatooyin dhanka caafimaadka ,waxaana qaarkood loola cararay markii Boosasao kasoo dageen Goobo caafimaad, waxaa sidoo kale la sheegay in haween ay kusoo dhax umuleen doonta dusheeda.

Dalka Yaman ay kunoolaayeen Qaxooti Soomaaliyeed oo aad u badan waxaa hada ka qarxay dagaalo iyo dhibataooyin kale, waxaana dhawaan Magaalooyinka Boosaaso iyo Ber bera kasoo dagay Qaxooti Soomaaliyeed oo kasoo qaxay Dalkaasi kuwaa oo u adkeesan waayay dhibaatada xoogan ee dalkaasi ka jirta .
















LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here