Qaraxyo Qasaaro kala duwan dhaliyay oo ka dhacay dalka Turkiga

0
140

Labo qarax oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray meel ku dhaw saldhigyo ay lahaayeen ciidamada Booliiska Turkiga oo kuyaala Bariga dalkaasi.

Inta la xaqiijiyay 6-qof ayaa ku dhimatay labadan qarax , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 130-qof, waxaana dadka dhintay la sheegay in ay ku jiraan sadex sargaal oo booliiska katirsanaa iyo sadex qof oo kale oo shacab ah ayna ku jiraan caruur.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay saldhig booliis oo kuyaala gobolka Van ee dalka Turkiga, waxaana saacad kadib qarax kale oo xoogan loona adeegsaday gaari uu ka dhacay beerta saldhigga booliiska ee magaalada Elazig.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyadan qasaaraha kala duwan dhaliyay ee ka dhacay dalka Turkiga, waxaana saraakiisha amaanka ay ku tuhmayaan qaraxyadan in ay ka dambeeyeen Jabhada Mucaaradka ee PKK.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here