Qaraxyo Goordhaw gil gilay garoonka Diyaaradaha Magaalada Brussels

0
93

Waxaa goordhaw labo Qarax oo aad u xoogan ay ka dhaceen garoonka Diyaaradaha magaalada Brussels ee caasimada dalka Biljamka, waxaana qaraxyadan ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxyadan ay hada gaarayaan 11-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan, waxaama suurto gal ah in ay sii kordhaan qasaaraha qaraxyadasai ka dhashay.

 

Dadka waxyeelada ugu badan uu qaraxan kasoo gaaray ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad sugayay in ay raacaan Diyaarada American Airlines, waxaana xaalada garoonka uu xiligan yahay mid lagu kala cararay, ciidamada amaanka ayaana gabi ahaan joojiyay howlihii shaqo ee garoonka dadkana u saaray banaanka.

Wariye ku sugnaa garonoka uu Qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa hore uu ahaa mid aan sidaa u weyneen balse qaraxa labaad uu ahaa mid aad u xoog badnaa, waxaana qaraxyadan ay bur buriyeen qeybo kamid ah dhismaha garoonka Diyaaradaha Brussels .

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah









 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here