Qaraxii Xooganaa ee ka dhacay Hotelka SYL ee ku dhaw xarunta Madaxtooyada Somalia

0
118

Waxaa Duhurnimadii maanta qarax aad u xoogan oo ismiidaami ah uu ka dhacay albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya sidoo kale dhabarka ku haya Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa gaari nuuca xamuulka qaado oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana gaariga la sheegay in uu xoog kusoo dhaafay koontaroolo ay joogeen ciidanka dowlada kadibna ku uu qarxay meel ku dhaw Hotelka SYL oo kuyaala albaabka laga galo Villa Soomaaliya.

 

Gaariga ayaa la sheegay in uu xoog kusoo dhaafay Igooska Sayidka halkasa ay joogeen ciidamo katirsan Dowlada, waxaana gaariga oo rasaas lagu furayo ugu dambeyn ku qarxay dhabarka dambe ee Hotelka SYL oo kuyaala albaabka laga galo xarunta Villa Soomaaliya .

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas xoogan ay furayeen ciidamada dowlada, waxaana gabi ahaan la xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa aaga ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana xaalada magaalada ay noqotay mid jahwareer badan uu ka jiro.

Dad badan oon tiradooda la ogeyn ayaa qaraxyadan ku dhintay, waxaa sidoo kale gaadiidka ampalaasta ay qaadeen dhaawacyo badan oo isugu jira dad shacab ah iyo ciidamo katirsan Dowlada oo waxyeelo kasoo gaartay qaraxa.

 

Xaalada ayaa hada u muuqata mid xoogaa degan, waxaana joogsatay rasaastii laga maqlayay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray saraakiil qiimeyn ku sameeneysa waxa dhacay.

Qaraxan xoogan oo ahaa mid si weyn u gil gilay magaalada Muqdisho ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay dhismaha Hoteelada SYL iyo Siyaad iyo sidoo kale dhismayaal badan oo ka agdhawaa halka uu qaraxan xoogan ka dhacay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah







LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here