Qarax xoogan oo ka dhacay Maqaaxi ay ku caweynayeen Ciidamada Dowlada iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

0
211

Wararka naga soo gaarayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa Qarax miino oo qorox dhicii maanta ka dhacay duleedka Degmada Afgooye, gaar ahaan goob ay ku shaahayeen Ciidamada Dowladda.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid goobta lagu siidiyaariyay bacdamaa Maqaaxida uu Qaraxa ka dhacay ay fadhiisan jireen Ciidamada Dowlada.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Hooyo halkaasi ka shaqeyneysay, halka ay ku dhaawacantay gabadhii yareyd ay dhashay. Sidoo kale askarta Dowladda waxaa la tilmaamay in waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi maadaama u Jeedka Qaraxa uu iyaga ahaa.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan Ciidamada Guutada 5-aad ee Xooga Dalka, ay ku dhaawacmayn qaraxaasi.

Gudoomiyaha waxa uu Qaraxaasi ku eedeeyay Ururka Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay inay iyagu uun geystaan weerarada loo adeegsado qaraxyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here