Qarax sababay dhimasho tiro beeshay oo ka dhacay magaalo ku taalla wadanka Ciraaq

0
150

Qarax bam ayaa ka dhacay wadanka Ciraaq kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Qaraxa ayaa lala beegsaday goob ay dadka shiicada ah wax ku siyaartaan oo ku dhoweyd saldhig batrool iyo maqaayad, degaanka al-Hilla, oo 100km koonfur kaga toosan Baqdaad.

Dad ka badan boqol ruux ayaa ku dhintay qaraxan, halka intaas ka badana ay ku dhaawacmeen sida wararku ay sheegayaan, waxayna goobtaas noqotay mid uu hareeyey dhiig aad u fara badan.

 

Goobta la qarxiyey oo aheyd waddo ayaa waxaa ka buuxay dad ka soo noqonayay siyaarada loo yaqaano Arbaeen ee ka dhacday magaalada Karbala.

Taliyaha ammaanka gobolka, Falah al-Radhi, ayaa sheegay dadka dhintay ay u badnaayeen reer Iran, iyadoo masuuliyada qaraxan ay sheegatay kooxda Daacish.

Busas waday Shiicada Iran oo siyaaranayay ayay u eg tahay in lagu beegsaday weerarka, oo ka dhacay meel u dhow tuulada Shomali.

 

“Waxaa jira ugu yaraan 100 dhimasho ah, in ka yar 10 ayaa ah reer Ciraaq, inta kale waa reer Iran,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska.

Weerarkan ayaa ka mid noqonaya kuwii ugu dhiig daadashada badnaa ee ka dhaca wadanka Ciraaq, isagoo ku soo aadaya xili ciidamada dalkaas ay guluf dagaal ku hayaan magaalada woqoyiga ciraaq ku taalla ee Mowsil oo ay gacanta ku hayaan kooxda Daacish.



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here