Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Warar Dheerad Ah Oo Kasoo Baxaayo

0
180

War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin, Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Askari
Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ku xirnaa Gaari nooca Kaaribta loo yaqaano oo ay la socdeen ilaa iyo laba dhalinyaro oo ku nafwaayay Qaraxaasi.

Qaraxa ayaa sidoo kale, sababay gubashada gabi ahaan gaariga, waxaana la tilmaamayaa inuu dhaawac fudud u geystay laba kale oo ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qof ku sugan halka qaraxa uu ka dhacay ayaa u sheegay Warbaahinta, in qaraxa inta aanu halkaasi ka dhicin daqiiqado kahor ay goobta mareen ciidamo ka mid ah AMISOM, waxa ayna goobjoogayaashu sheegen in Ujeedka Qaraxa uu ahaa mid lala eegan rabay Ciidamada AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxaani xoogan ayaa waxa uu imaanaya xili maalinimadii shalay weerar Madaafiic ah lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo nawaaxigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here