Qarax Saaka Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Sawirro Dheeraad Ah Oo Laga Helay

0
125

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo saakay ka dhacay afaafka hore ee xarunta Gaadiidka booliiska Soomaaliyeed oo kutaala Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la joojiyay afaafla hore xarunta booliiska gaar ahaan maqaayad yar oo halkaas ku taalay oo inta badan ay fadhiisan jireen saraakiisa ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ismiidaaminta ah waxaa ku dhintay sadax sargaal oo katirsanaa Ciidanka booliiska Soomaaliya ,waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in iyana qaraxaasi uu ku dhintay qof kale oo shacab ah.

 

 

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay ninkii watay gaariga qaraxa loo adeegsagay isaga oo dhaawac culus qaba, waxaana dhaawaca ninkaasi loo qaaday mid kamid ah isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka BanaadirJen Cali Gaab oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in qaraxa uu ka dhacay maqaayad kutaal afaafka hore ee Xarunta Gaadiidka ayna halkaasi ku dhinteen sadax sargaal oo katirsanaa Ciidanka booliiska Soomaaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay qorshihiisu uu ahaa in uu gudaha u galo xarunta Gaadiidka Booliiska halkaas ay tababar uga socdaan saraakiil katirsan Ciidanka booliiska Soomaaliya.

Qaraxan ismiidaaminta ah ee saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili amaanka magaalada la adkeeyay inta badana wadooyinka muhiimka ah amanakooda lagu wareejiyay ciidamada booliiska Gobolka Banaadir






 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here