Qarax Ismiidaamin ah oo Goordhaw ka dhacay magaalada Istanbuul (Daawo Sawirada)

0
161

Wararka ka imaanaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qarax xoogan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi gaar ahaan goobo ay ka dukaameestaan dadka dalxiisayaasha ah.

Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaana qaraxa halka uu ka dhacay laga dareemayay qal qal iyo kala orod lasoo darsay dad badan oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 5-qof uu ku jiro qofkii is qarxiyay ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay magaalada Istanbuul, waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay dad ka badan 20-qof oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Ciidamada amaanka dalka Turkiga ayaa xiray halka uu qaraxu ka dhacay , waxaana goobtaasi gaaraya gaadiidka gurmadka deg dega ah , xaalada magaalada Istanbuul qeybo kamid ah ayaana ah mid kacsan oo laga dareemayo saameynta qaraxa.

Waxiii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah








 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here